News

Fanaanka Wayn ee Faarax Murtiile Wuu Noolyahay Waanu Caafimaad Qabaa

Byadmin

Jul 23, 2020

Fanaanka Faarax Murtiile ayaa shil Baabuur Ku Galay Magaalada Lodon waxaana laga Faafiyey Warar Been Abuur ah kuwaasi oo sheegaya in uu Geeriyooday, sida ay Qosykiisu Xaqiijiyeen Faarax wuu noolyahay waana lagu Guuleysay Qaliin Qoorta ah oo uu Galay, Xaaladiisa Caafimaadna aad bay ufiicantahay.

Sidoo kale Wariye Bishaaro Baandey oo iyana Barteeda Facebook-ga kaga Hadashay ayaa sheegtay in illaahay laga Baqo oo Wararka Been abuurtka ah la joojiyo.

“Ma Geeriyoon Abwaan Faarax Murtiile Ilahay Kabaqa Oo War aydaan Hubin Hala Roorine
Ma Ogidin Dhibaatada aad Gaadhsiinaysaan Ehelkiisa ee
Waxa Aan Hada La Hadlay Murtiile Dumaashidii Oo Ku Sugan London Waxa aanay Qoyska iyo Xaaskiisa Nasra iyo Ubadkiisuba Marti idiin ka Yihiin Inaad Ka Daysaan Wadwadka warka Beenta ah ee Naxdinta Leh , Abwaan Faarax murtiile Wuu Caafimaad Qabaa
Qaliinkiina waa Lagu Guulaystay , Inshalah isagoo Lugihiisa Markale ku socda Ayaanad Arkaysaan , Waxa Kale oo aan Idinla Wadaagayaa Warqad ay Isiisay Ogolaanshaheeda inaan idinla wadaago Xaaskiisa Oo ay Kaga waramayso sida ay wax u dhaceen sida uu ku soo gaadhay Warkii Dhiilada Lahaa idinkana idinku waydiisanayso inaad ka saartaan Video yada Faarax ee aan Haboonayn iyo Wararka Beenta ah ee Ehkana Naxdinta ku Reebay
Si aydaan qayb uga noqon Murugada Reerkaa Soo Gaadhay Mahadsanidin” ayay tidhi Bishaaro baandey.

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *