News

Xafladii Fanaanka Suldaan Seeraar ee Germany oo Caawa kala Kacday iyo Ceebta ka Dhacday Goobtii loogu talo galay show-ga

Byadmin

Feb 24, 2020

Xaflad uu kulahaa magaalada Wiesbaden ee Wadanka Jarmalka Fanaanka Caanka ah ee Suldaan Seeraar oo Maalmahan Booqasho ku joogay Qaarada Yurub ayaa Caawa la joojiyey.
Dadwayne Tiro badan ayaa kusoo lu´go´ay goobtii xaflada, kuwaasi oo ka kala yimi Gobollada jarmalka iyo wadamada jaarka la ah wadankan Germany.
Goob jooge Haldoornews u Waramay ayaa sheegay in Sababta ugu wayn ee Xafladu ubaaqatay ahayd Qaban qaabo Xumo dhinaca Hoolka ah oo aanay jirinba Goob loo Kireeyey Fanaanka, sidoo kale Gudida Qaban Qaabada Xafladaaasi oo la hadashay Dadkii kasoo qayb galay oo buuxdhaafiyay barxada Goob hool ah oo Adress-keeda lagu qoray kaadhadhka xaflada iyo xayaysiiska ayaa sheegay in Wadaado somali ahi dacweeyeen oo boolisku ka xidhay Hoolkii ay ugu talogaleen Fanaanku inuu Shacabkiisa ku raali galiyo.
Haldoornews kala soco goor dhaw Muuqaalka Goobta Xayaysiiska lagu qoray oo bandhig kale ka jiro iyo Beenta loo Sheegay Fanaanka Caanka ah ee martida ku ah Dalka oo Qaar yaryari la meeraysteen Jarmalka.

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *