|
|||||||||||||||||||||||||||||||
Haldoornews.com
War deg deg ah: Wareegto Madaxtooyada ka soo Baxday xilka qaadis iyo Magacaabis +Akhri Faahfaahinta
January 20, 2020 - Written by adminTaariikh: 20/01/2020 WAREEGTOOYIN MADAXWEYNE
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadoodu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-443/012020 iyo JSL/XM/WM/222-444/012020, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegtooyin Madaxweyne UJEEDDO: XIL KA-QAADIS Ku: Amaal Cabdi Xasan Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Dhawrista Tayada Ku: Maxamed Aadan Xirsi, Agaasimaha Guud ee Komishanka Maamul Wanaaga Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada iyo Agaasimaha Guud ee Guddida Maamul Wanaaga. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalkaa Qaranka.
MAGACAABID:-
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:
ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. –
COMMENTS
|
Wararka
|