News

Jaamacada Abaarso iyo Machadka IPRT Oo Fulinaya Mashruuc Lagu Kaydinayo Biyaha Roobka Guryaha

Byadmin

Jan 17, 2020

Aqoon isweydaarsi ay soo qabanqaabisay Haayadda IPRT oo lagaga wada hadlayay ka faa’iidaysiga biyaha Roobka, ayaa lagu qabtay Hoolka shirarka ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa. Aqoon isweydaarsigan ayay ka soo qaybgaleen badhasaab ku xigeenka Gobolka Maroodi-jeex, Mareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeisa, madaxda haayaddaha GIZ iyo Terra Solideli ee Somaliland, khubaro dhinaca biyaha ah iyo xubno ka socda bulshadda rayidka ah, ayaa qayb ka ah mashruuc ay maalgalinayso haayadda GIZ, oo si wada jir ah u fulinayaan IPRT iyo ATU-polytechnic Institute.

Ugu horrayn, waxa hadalka madasha furay Maareeyaha Wakaaladda Hargeysa, Mud. Maxamed Cali Daarood, oo kulanka furay ayaa ka waramay faa’iidooyinka balaadhan ee leedahay ka faaiidaysiga biyaha Roobka. Waxa hadalka la wareegay Guddoomiyaha Jaamacadda Abaarso Tech, Dr. Axmed Xuseen Ciise ayaa guud ahaan ka warbixiyey faa’iidooyinka ka manaafacaadsiga biyaha roobka, iyadoo la adeegsanayo majarooradda, “fikradda ah adeegsiga majarooraddu maaha mid inagu cusub; waa mid aynu adeegsan jirnay waligeenba balse dadkeenu ay iska daayeen, haatanse ay taagan tahay markii loogu baahida badnaa.”

Waxa isna halkaas ka hadlay Agaasimaha Haayadda IPRT Mr. Cabdillaahi Xassan Cabdillaahi oo si qoto-dheer uga warbixiyay ujeedooyinka mashruuca, oo si gaar ah diiradda u saari doona sidii majarooradda loo adeegsan lahaa, gaar ahaan goobaha tuulooyinka oo teedsan dooxada Biji-da. Mashruuca ayaa ah in majarooro lagu xidho doono dugisyadda deeganaadaas ku yaala, oo sidoo kale marka laga tago ardaydda ay ka faa’iidaysan doonaan bulshadda ku dhaqan deegaanadaasi. Mud. Cabdillaahi wuxuu intaa ku daray, “Mashruucani sidoo kale, wuxuu leeyahay qayb wacyi-galin ah oo bulshadda magaalooyinka, gaar ahaan Hargeisa loogu wacyi-galin lahaa ka faa’iidaysiga biyaha, waayo guri kasta ugu yaraan waxa laga heli karaa sannadkii wax ka badan 200 foosto haddii majaroor la adeegsado.”

Maareeyahii hore ee wakaaladda Biyaha Hargeysa, Eng. Axmed Cali Dable, haatana ka mid ah la taliyaasha wakaaladda ayaa sheegay in haatan aad loogu baahan yahay in biyaha roobka laga faa’iidaysto, taasna ay baahi weyn looga qabo magaalooyinka, ay xaga dadka xoolo-dhaqatadda ahi ay barteen qaababka biyaha u kaydsan lahaayeen.

Eng. Khaliif Cabdillaahi, oo ka mid ahaa mareeyayaashii soo maray wakaaladda, haatana la taliye ka ah wakaaladda ayaa isaguna dhankiisa sheegay in loo baahan yahay in haatan ay wakaaladdu wado hab ay dadweynaha magaaladda Hargeysa ay doonayaan inay ugu dhiirigaliyaan inay uga faaiidaystaan biyaha roobka, wakhtiga dhawna la samayn doono siyaasado guryaha cusub ee magaaladda laga dhisayo lagu qasbo in hab majaroor oo biyaha roobka ay yeeshaan.

Waxa halkaas iyaguna ka hadlay saraakiil ka socotay haayaddaha GIZ iyo Terre Solidali, oo ka sheekeeyay inay ka faaiidaysiga biyaha roobka ay wax weyn u soo kordhin doonaan bulshadda Somaliland, gaar ahaan ardaydda ku dhaqan deegaanadda miyiga ah ee mashruucani awooda u saareeyo ee teedsan dooxada Biji.

Waxa ugu danbayn kulanka soo xidhay Badhasaab ku Xigeenka Gobolka Maroodi-jeex Mud. Khadar Baaruud, oo mashaariicda noocan oo kale ah ay yihiin kuwo loo baahan yahay oo bulshadda wax weyn ka badalaya, waxaanu xusay inay siyaasadda xukuumadda ay mudnaanta ay siinayso ay ka mid tahay sidii biyo nadiif ah oo ku filan ay bulshaddu u heli lahayd, mashruucana uu yahay mid kaabaya siyaasdadda iyo qorshaha ay xukuumaddu ka leedahay sidii loo balaadhin lahaa helida biyo la heli karo oo nadiif ah.

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *