|
|||||
Haldoornews.com
Falanqeyn: Dhoolatuskii shalay ee Gaboose waxay ahayd Fariin ku socotay xisbiga WADDANI
November 6, 2019 - Written by admin
Gaboose waa nin siyaasada jecel,isla markaana hamigiisu yahay inuu mar uun fuullo kursiga ugu sareeya ee Somaliland, Waagii u horeysay ee ururada la furayey 2002 waxa uu samaystay ururkii Sahan oo ragwaaweyn oo calculus ku jireen, waxa uu doorashada ku galayey kitaab quraan ah inuu dalka ku xukumi doonno si ay dadku u taageeraan, haseyeeshee waxa ka hor yimid culays dibadeed iyo mid gudeed oo lagu reebay ururkiisa. Cabdilaahi Jawaan oo gudoomiye ku xigeenka guddidii doorashooyinka ee wakhtigaasi ayaa ii xaqiijiyey wakhti aan waraysanayey in si toos ah loo reebay oo lala dagaalamayey, sidaasna uu ku hadhay. Waxa uu mar kale furtay urur la odhan jirey Qaran, taas oo madaxweyne Rayaale xabsiga u taxaabay kuna eedeeyey inuu furtay urur aan sharci ahayn, wixii maalintaasi ka dambeeyey waxa uu heshiish la galay Axmed Siilaanyo oo hogaaminayey xisbiga KULMIYE, waxaanu u ballanqaaday inuu furi doonno xisbiyada isna uu taageero, sidii buu ku noqday gudoomiyaha ololaha ee bariga ee KULMIYE, markii uu kulmiye guulaystay waxa uu noqday wasiirka arrimaha gudaha, markii ururada dib loo fureyna wuxuu isku casilay inuuu furto urur la magac baxay ururkii UMMADDA. Wixii ka dambeeyey dhicitaankii ururkiisa wuu ka nastay siyaasadii, waxaana ugu dambaysay markii uu sheegay inuu siyaasadii ku aasay malko durduro oo uu ula jeeday in cadaaladii iyo dimuqraadiyadii Somaliland god lagu aasay. Ujeedadda ugu weyn ee maanta ka hadlaysay waxay ahayd damac kaga jira xisbiga WADDANI inuu musharax ka noqdo, mar hadii uu musharax Cirro hadhay inuu xaq u leeyahay in isna markiisa la tijaabiyo, isla markaana marxaldan adag ee lagu jiro uu yahay qofka kaliya ee u barbar dhigi kara madaxweyne Biixi maadama isku jabhad iyo isku local yihiin, isla markaana ay is far fahmi karaan. Hadalka Gaboose waxay ahayd fariin ku socota deegaanada uu u badan yahay taageerayaasha xisbiga WADDANI, waxayna daarnayd saddex ujeedo: Sidaas darteed, waxa uu Gaboose qiimeeyey isna tusay in aan madaxweynaha lixaad lagu haysan, markuu arkay qodobadan: Mar hadii uu Cirro 40% codadkii dalka ka helay,xaaladan lagu jirana aanay dadku raali ka ahayn, dadka aad u cabanayaanna ay yihiin kuwii codadka badan siiyey KULMIYE, wasiiradda madaxweyne Biixina la dhaliilsan yahay inuu haysto jaanis badan oo kubaddu banaanka u taallo.
COMMENTS
|
Wararka
|