Haldoornews.com
War deg deg ah Maxkamada gobolka oo diiday Xayiraada Talefishanka HCTV + Solja oo war ka soo saaray.
November 19, 2019 - Written by admin

Hargeysa, Salaasa 19/11/2019 (Haldoornews):- Xafiiska Xeer ilaalinta somaliland iyo ciidamada Dambi baadhista ee CID-da loo yaqaano ayaa maxkamada gobolka maroodji-jeex u gudbiyey dacwad ka dhan Talefishanka HCTV taasi oo ay ku doonayeen in la Xayiro ,.

Maxkamada gobolka ayaa iyadu diiday dacwadaasi xayiraada ah sida uu warsaxaafadeed uu soo saaray uu ku sheegay ururka Suxifyiinta somaliland ee Solja, waxaana uu u dhignaa sidan:-

 

War-saxaafadeed: Xayiraad diidis iyo Rumaan

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu soo dhawaynayaa go’aanka ay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ku diiday in la xayiro Telefishanka Horn Cable TV, oo ay xukuumadda Somaliland saaka horgaysay qoraal ay kaga dalbanayso Xayiradaas.
Maxkamadda Gobolka Maroodijeex waxay saaka toddoba cisho oo Rumaan ah u jartay Wariye C/qaadir Cismaan Casayr (Coday), oo ay xukuumaddu sifo sharci darro ah ku xidhay, iyadoo Amartay in la hor keeno Maxakamadda Eeda loo haysto oo dhamaystiran
Ururka SOLJA waxa uu mar walba ku kalsoon yahay in uu cadaaladda u maro furdaaminta Wariyayaasha iyo hay’addaha warbaahinta ee sharci darrada lagu xidhayo, isagoo u arka Xukuumaddu inay xagal daacinayso ku dhaqanka sharciga iyo Heshiisyada la gaadho.
Ururka SOLJA, waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa inay joojiso talaabada ay mar walba ku qaadayso Warbaahinta isla markaanna Ixtiraanto nidaamka sharciga ah ee Dastuurka Somaliland iyo Xeerka Saxaafaddu dhigayaan.
Ururka SOLJA, waxa uu ugu baaqayaa wariyayaasha iyo Mulkiilayaasha hay’addaha warbaahinta inay ilaaliyaan sharciga isla markaana ka fogaadaan wax kasta oo ka hor imanaya oo ay ku mutaysan karaan Ciqaab.


Maxamuud Cabdi Jaamac
Guddoomiyaha Ururka SOLJA

COMMENTS
Arimaha Diinta