Haldoornews.com
Gudoomiyaha Xisbiga ee wadanka Sweden oo fariin u diray Xubnaha xisbiga + Akhriso
November 7, 2019 - Written by admin

Gudoomiyaha Xisbiga ee wadanka Sweden oo fariin u diray Xubnaha xisbiga + Akhriso

Bismalahi raxmaani raxiim.
Asalamu calaykum

Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan bahweynta xusbiga kulmiye meelkasta oo ay ku kala sugantihiin.
Waxaan si gaara halkan uga hambalyaynayaa Laamaha xusbiga kulmiye ee Sweden oo siday caadada u lahaayeen bilaabay dardar galintii iyo baraarujintii Laamaha dibada iyo gudahaba
Waxaan si gaara u hambalyaynayaa garabka haweenka iyo sida ay marwalba danahooda uga horaysiiyaan Hawlaha xisbiga iyo horumarintiisa.
Waxaan halkan ka cadaynayaa xilka qaadista marwo ifrax xaaji aktoobar in ay tahay mid sharciga waafaqsan xilka qaadisteedana ay ka horaysay tiraba sadex jeer oo la siiyay digniin iyo inay iska ilaaliso wixii ka hor imanaya siyaasada xisbiga kulmiye.
Xilka qaadisteedana waxaa goob joog ka ahaa golaha fulinta ee Laamaha xisbiga kulmiye iyo labada gudoomiye.

Ilaahay baa mahad leh

Gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee Sweden
Fuad kamil Isse

COMMENTS
Arimaha Diinta