|
|||||
Haldoornews.com
Musuqmaasuqa Cisbitaalka BURCO. Wasiirka Caafimaadku ma ka qayb baa mise ma oga? Qore: Ciise Yaasiin
October 5, 2019 - Written by adminAssalaamu Calaykum dhamaan wey salaamanyihiin akhristayaasha Shabakaddan Wararka.Waxaan halkan jeclaystay inaan idiin ku soo gudbiyo xog xaqiiq oo ka dhacday magaaladan aan joogo ee Burco, Togdheer. Hordhac KoobanGuud ahaan Caafimaadka Gobolka Togdheer & Caasimadiisa Burco waa midka mid ah kuwa ugu hooseeya Somaliland & aduunkaba. Caafimaadka shacabka waxaa ka masuul ah Xukuumadda & Wasaaradeeda Caafimaadka. Cashuurtii dadweynaha & Kaalmadii Haayadaha ayaa malaayiin Doolaar loo qoondeeyey arimaha Caafimaadka. Dhamaan Shacabka Magaalada Burco waxay ka simanyihiin cabashada addeegga caafimaadka Xukuumadda ee Burco. Magaalada waxaa uga masuul ah arimaha Caafimaadka laba masuul DR Aadan Malaay(Isuduwaha) & Dr Cabdi Suudi (Agaasimaha Cisbitaalka Burco). Maqaal hore ayaynu kaga hadalnay Musuqmaasuqa baahsan ee ay labadan masuul. Waxaa xusid mudan in ISUDUWAHA Caafimaadku, Dr Aadan Malaay in uu waxbadan wax-kabedelay oo uu ku koobnaaday hawlihiisa shaqo, dardarweyna geliyay caafimaadka miyiga Burco. Aad ayay Shacabka & Shaqaalaha Togdheer ugu mahadcelinayaan Dr Aadan Malaay dedaalkiisan cusub ee kula Jaanqaadayo Wasiirka Cusub ee Caafimaadka Dr Cumar Cali Dheere. Musuqmaasuqii waxa uu bustaha dhigtay Agaasimaha Cisbitaalka Weyn ee Burco DR CABDI SUUDI. SHANTAN QODOB ee Hoose waxa uu ku mutaysanayaa Shaqo-ka-eryid, Xadhig Xoolo Umadeed iyo Kala-noqoshada Liisanka Caafimaadka.:bal ila akhri xogtan rasmiga ah oo aan soo ururiyay Shaqaalaha Caafimaadka, Xarumo Ganacsi iyo Masuuliyiin dawladeed.: 1) La shuraakowga Shirkada Dawooyinka Shaafici (CORRUPTION) 2) La shuraakowga Shirkadda Shaybaadhada HUMANCARE LABS (CORRUPTION) 3) IIBKA Dawooyinka Mucaawinada ah (CORRUPTION) 4) Maamulxumo Baahsan (Facts of Mismanagement) 5) Qabyaalad Xadhka Goosatay (Dangerous Tribalism and Nepotism)
Shirkadda Dawooyinka ee Shaafici ayaa qayb weyn ka ah Musuqmaasuqa lagu dhacay xoolihii masaakiinta bukaanka ah ee Gobolka Togdheer. Shirkada Shaafici waxay la heshiisay Agaasimaha Cisbitaal Burco Dr Cabdi Suudi. Waxay kuwada heshiiyeen in gaar loogu xidho dalabka dawooyinka Cisbitaalka weyn ee Burco Shirkadda SHAAFICI. Sidaa darted Shirkaddu waxay Dr Cabdi Suudi siineysaa Xarunta gaarka ee SUUDI PHARMACY Dhamaan Dawooyinka bilkasta iyadoo si farsamaysan (Si tuugonimo ah) xisaabta u raacinaysa DEYNTA Dhakhtar weyn. Shirkadda SHAAFICI waa shirkad ay leeyihiin Niman Wadaado-Waxdad ah oo lagu tuhmayay diin iyo Xalaal-miiradnimo. Dhacdooyinkani waxay ina tusayaan in GANACSATADII ay xeeriyaan keliya LACAGTA oo aanay dan ka lahayn Natiijada ka dhalanaysa ficiladooda. Shirkadda Shaafici waxay si Tuugonimo ah u siisaa Farmasiga AGAASIME DR Cabdi SUUDI, dawo lagu qiyaasiyay celcelis ahaan $4,000 (Afar kun oo doolaar) BILKASTA. Bal ka fakar $4,000 imisa qof oo danyar ah oo bukaan u jiifa Cisbitaalka Burco ayay daweynlahayd? Imisa qof ayay ka bixinlahayd lacagta shaybaadhka, qaliinka..Iwm? Imisa hooyo iyo ubad ah ayay badbaadinlahayd bilkasta.? Shirkadda Shaafici waxay Agaasime Dr Cabdi Suudi kula shuraakowday musuqmaasuqa iyo dhaca dadka jilicsan ee gobolka Togdheer. Maxaa Dawladda la gudboon? Dawladda dhexe waxaa saran masuuliyadda ilaalinta nafaha & dhaqaalaha shacabka Somaliland ee u dhaarteen. Wasiirka Caafimaadka, Hanti-dhawrka Guud & Badhasaabka Gobolka Togdheer waxaa saaran masuuliyad gaar ahaaneed. Bal maanta booqda Shirkadda Shaafici Pharmaceuticals, kadibna baadha lacagaha Cisbitaalka weyn iyo Farmasiga SUUDI. Lama soo helayo sanadkaa tegey meel uu Farmasiga Suudi kusoo iibsaday dawooyin.
Musuqmaasuqan aan warkiisa idiin soo gaabiyee waa mid la mid ah Musuqa sare (koowaad). Sida Shirkadda SHAAFICI ayay Shirkadanina waxa loo xidhay keenista alaabta Shaybaadhka si ay HUMANCARE LABS u siiso Farmasiga SUUDI dhamaan dawooyinka& qalabka shaybaadhka, lacagtana waxaa lagu dalacaa masaakiinta dhakhtar weyn ee Burco.
Agaasimaha Cisbitaalka Burco Dr Cabdi Suudi Cismaan waxa uu bannaystay iibinta dawooyinka Haayaduhu ugu deeqaan Cisbitaalka iyo Xanaanooyinka Magaalada Burco. Dawooyinkan oo loogu talo galay dadka jilicsan sida Hooyooyinka, dhallaanka iyo bukaanjiifka kale waxay ka buuxaan Farmasiga Suudi ee Agaasimaha. Dr Suudi waxaa bukaansocodka xaruntiisa caafimaad u qoraa dawooyinkaas mucaawimada ahaa isagoo ka sameeya lacag badan (oo xaaraan ah).
Maamul baahsan ayaa soo foodsaartay Cisbitalka Burco
Maamule waa lagu xamankaraa qabyaalad laakiin tan agaasimaha cisbitaalka weyn eee Burco Dr. Cabdi Suudi Waa mid xadhkaha goosatay. Waxa xaqiiqo ah dhacdooyinkan amakaaga leh.:
III. 10 ka mid ah dhakhaatiirtaasi waxay kasoo jeedaa Jifadiisa ee Reer Caynaashe( HY)
Halkan ka bogo maqaalkii hore: Musuqmaasuqa Masuuliyiinta Caafimaadka Togdheer, Xujada Wasiirka Cusub & Fashilka Mashruuca SHINE ee HPA/DFID Qore: Ciise Yaasiin, Burco, Togdheer.
COMMENTS
|
Wararka
|