|
|||||
Haldoornews.com
Magaaladda Borame oo lagu soo gunaanaday Shirweynihii arimaha Qoondada Haweenka
October 19, 2019 - Written by admin
Shirkan oo soconayey muddo laba maalmood ah shirka oo uu furay madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa waxa lagaga hadlay sidii la isaga xil saari lahaa in haweenku kuraas gaar ah ku yeeshaan goleyaasha deeganka iyo wakiilada Somaliland, isla markaana ay ka qayb galaan arrimaha siyaasadda waxaana intii kulankaasi socday lagu lafo guray caqabadaha haysta haweenka iyo sidoo kale hanaanka looga gudbi karo.
Guddoomiye ku xigeenka dallada haweenka ee NAGAAD Khadra Cumar Xasan oo khudbad halkaasi ka jeedisay ayaa waxa ay tidhi “Aniga oo ku hadlaya magaca haweenka ee dallada isku xidhka haweenka ee NAGAAD, aniga oo ku hadlaya cid kasta oo ka qayb qaadatay hawshan maanta sida aynu hawshan u gaadhaynaa waa wax inoo wada taala, haddii ay Baarlamaan tahay iyo haddii ay Somaliland tahay”. “Dhamaantiin waad mahadsan tihiin sida aad uga qayb qaadateen, mararka qaarkood waxa ay ahayd waxaan lagaba doodi Karin, se maanta meel fiican ayeynu maraynaa inaynu ka doodno” ayey Agaasimaha Waaxda jinsiga ee Wasaaradda Shaqo Galinta Qoyska iyo Arimaha Bulshada Marwo Luul Aadan Geedi. Xildhibaan Mahdi Ibraahim Buubaa oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waa ay dhaaftay xiligii cuqaashu arrimaheena goyn lahaayeen ee la odhan lahaa waa dumar, markaa waxaan leeyahy haweenku dib ha iskugu noqdaan”. Dawladdu way gudbisay cidwaliba way gudbisay baarlaamaankuna wuu shaqynayaa hawshaa insha allaahu tacaalaa way dhamaanaysaa. Marka ay dhamatana hawlbadana ayaa inoo taal, ayuu yidhi Xuseen Aadan Cade Guddoomiye ku xigeenka 3ad ee xisbig kulmiye oo soo gabogabeeyay kulankaasi
COMMENTS
|
Wararka
|