Haldoornews.com
Awaan Laabsaalax oo Maanso kula taliyey Madaxwayne Biixi + Akhriso 
October 27, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Haldoornews):- Abwaanka da’da yar ee Xasan dhuxul Laabsaalax oo ka mid ah Haldoorka fanka ee sanadihii u dambeeyey oo Maanso waano ah u tiriyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

waxaanay u dhignayd sidan:-

Duni aad ka tahay boqor
Ha ka noqon qof dayro ah
Dahab baad u dhalatee
Sida maar ha doorsamin
Karaamaad ku dadantee
Sida duunyo haw lumin
Garashaduna waa deeq
Daa’inkay ku siiyee
Adigoo dal hagi kara
Ha noqon dabciga caydh-
Dibnihiyo hungurigiyo
Dalqo yay u maamulin
Wax calool u dagiyo
Dhuuni yuu ku daadihin
Dhegtu way da’a wayntee
Magacaaga diib mari
Taariikh baa danbaysee
Ha ka tagin wax laga dido
Alle daacadiisiyo
Diintana ha garab marin
Waxa Uunka ku darra
Dar allee gob kaa dhigay
Duubka sharafta kuu tola
Dun xarriirra kuu xidha
Qiimigaaga doorka ah
Dareensiiya aadmiga
Dabcigiyo Akhlaaqdee
Edebtaadu yay dumin

— laabsaalax–

COMMENTS
Arimaha Diinta