Haldoornews.com
“Dhulkaygii waxa loo xayiray Wiil Madaxweyne Muuse Abti U Yahay” Waxaa Qoray: Macallin Maxamed (Soomaali):
October 23, 2019 - Written by admin

Magacaygu waa Maxamed Cismaan Siciid (Maxamed Soomaali), waxaan muddo 14 sanno ku dhow dhigayay maadada Physics-ka oo aan bare ka ahaa dugsiyada sare ee dalka iyo jaamacadahaba gaar aaan caasimadda Hargaysa. Waxaan ka mida ahay macallimiinta diyaarisay ee tacabka badan galisay qoritaanka buugta manhajka dugsiyada sare ee dalka gaar ahaan maadada physics-ka.

Waxaan ahay Macallin bulshada ku dhex leh sharaf iyo karaamo badan, waxa aan soosaaray jiilal badan oo maanta dalka wax ka ah. Waxa aan wax ka dhigaa Dugsiyada sare ee dawladda iyo dugsiyada gaarka loo leeyahayba. waxa aan shaqadaydii macallinimo ka bilaabay dugsiga sare ee Gacanlibaax 2005, ilaa imikana aan xiisado ka bixiyaa. Waxaan ahay dulmane shacabwaynaha somaliland usoo gudbinaya dareen muddaba aan labaaxaa degayay oo aan qarsankari waayay.

Tani Waa Qisadaydii

Waxaan bishii sagaalaad ee sanadkan isku dayay inaan jago aan ku lahaa degmada I.Kood.Buur gaar ahaan Xaafadda G/Allah, ka dhisto guri, kadib markii aan u dhameeyay wixii sharci ahaa ee ay dawladda hoose iiga baahnayd. Markii aan u dhameeyay gurigii wixii sharci ee la iiga baanaa isla markaana aan bilaabay gurigii, iina socday laba toddobaad ayaa Waxaa Maayarka caasimaddu, amar telephone uu ku bixiyey ku joojiyay dhismaha Guriga aan ka dhisanaayay, degmada I.Kood.Buur gaar ahaan Xaafadda G/Allah.

Ku dhawaad 5 cisho ayaanu markaas sii kala maqnayn kormeerayaasha degmada, kadib markii ay igu soo mareen goobta uu dhisku ka socday goor aroornimo ah, iyagoo markii ay arkeen, sharcigii, mulkiyaddii, warqaddii jeexidda iyo ogolaanshahii dhisitaanka, oo kasoo wada baxay dawladda hoose, dhamaanyoodna leh saxeexyadii masuuliyiintii u xilsaarnayd, oo kala ahaa :Maayarka, Agaasimaha dhulka, Agaasinka qorshaynta dhulka, Xisaabaadka, Gudoomiyaha degmada iyo Joonmitirka, Waxa uu kormeerku subaxdaas ii saxeexay halkii isaga uga bannaanayd xaashida jeexidda.

Intaas kadib, waxaa si kedis ah iila soo hadlay kormeerkii xaafadda I.Kood buur. Aniga oo markaas ku jiray xiisad xilli barqo ah. Islamarkii aan qabtay telka waxa la igu yidhi, : “ma macallinkiibaa?”

aniga “Haa”

Iyaga “walaal, waa kormeerkii degmada I.Kood buur, Waxaan ka imid gurigaagii waxaan soo joojinnay dhiskii”.

Aniga: “Oo sababna walal?”.

Iyaga: “walaal waxaagu waa sax, laakiin waa amar iga sarreeya”

Aniga: “Haye walaal”

Iyagii: “Bal hadda macallin soo dhaqaaqoo degmada noogu kaalay” Aniga “Bal waayahay”.

Ardaydii, aan xiisadda ugu jiray ayaa jawigaygii oo isbaddalay aan kusoo noqday. Xoogaa suaalo ah ayay i waydiiyeen. “Macallin ma dhibbaa jirta?” “Maya waan idinkusoo noqonayaaye casharka sii qorta”.

intaas aan sii socdo waxay maskaxdaydu iswaydiinaysaa “waar amarkan kasareeyaa tollow waa maxay?”. Waxa aan si dhakhso ah u gaadhay degmadii I/Koodbuur. Kormeerayaashii oo debedda markaas soo istaagay oo gaadhi Vitz ah kasoo degay ayaanu albaabka hore ku kulannay. Waar macallin bal kaalay, gacantay i qabteen, way yaabanyihiin Fajac iyo amakaag ayaa ku dhan, gaadhigayga xaggiisa ayaanu u wada dhaqaaqnay, gaadhigaan gudaha u galnay dadka oo meesha kubadnaa awgeed. Markiiba waxaa igasoo baxay “waar walal sidee wax u jiraan bal ii warrama?” Waa laba nin mid madaxa ayuu ruxayaa oo hadalka kasoo baxayaa waa kelmed qudha oo ahayd sidatan, “waar miyaan dulmiga laga baqayn?” “Waar miyaan ilaahay laga baqayn?” Kii kale ayaa ii jawaabay runtiina i taabsiiyay wuxuu igu yidhi: “Waxaa nasoo garaacay maayarkii anagoo hawl shaqo Xeedho u joogna, Haye? Amar ayuu nagusiiyay in dhismahaaga la joojiyo”. “Walal Waayo?” Sababta miyuu idiin sheegay?” Waxa aan u malaynaynaa, In ay kadanbeeyaan qoyska madaxwaynuhu, Waayo Wiil uu madaxweynuhu abti ruma u yahay ayaa telephoneka amarka nalaga soo siiyay maayarka noogu dhiibay. Markaas Macallin isasoo furdaami oo shaqadayadaas hanaga galaafan, haddaad xabbad jaajuur ah ku kordhisid annagaa u maqan macallin oo shaqada nalaga eryayaa”.

“Bal waayahay”ayaan ku idhi anigoo fajacsan. Waxaan waydiiyay intii aanay ka dhaadhicin gaadhigayga In ay ii sheegaan numberka Inankan Madaxweynaheena walaashii dhashay ee telephoneka maayarka idiinku dhiibay? Waan ka qortay, waan garaacay, nasiib darrose igamuu qabanin.

Galabnimadii ayaan faylkaygii kasoo sameeyay dhawr koobi, hal koobi oo kamida ayaan u geeyay nin xil dhibaan golaha deegaanka ah oo aanu asxaab isku dhaw nahay, maayarkana ay isku dhawyihiin. Waxaan ku hawlaysnaa muddo laba cisho ah sidii aan maayarka u heli lahaa iyo ciddii aan u mari lahaa.

Akhriste u fiirso, dhismahayga telephone ayaa lagu joojiyay, may jirin waraaq xayiraadeed oo laytusay oo dhulka aan dhisanaayo saarnayd, Dawladda hoosena waraaqii xayiraada hore way uga weyday, waana sababta ay warqadda jeexidda ogolaanshaha dhismaha iigu sameeyeen, waana tan warqaddii jeexistu.

Wiilkii madaxwaynuhu abtiga u ahaa waxaan garaacaba goor galabnimo ah ayaanu telephoneka iska helnay, dood dheer ayaa na dhex martay oo sidatan u dhignayd.

Markaan isu sheegayba, danbiile ayuu iga dhigay, “ma adigaa dhisanaayay guriga?” “Haaye maxaad ku haysataa?” “Waadba qiranaysaa waliba, Magacaaga waxa aan dhigay xeer-ilaalinta iyo Saldhigga Koodbuur,” Haye yaabay “oo maxaad iga doonaysay?” “Meeshan awoowgay Biixi Abdi ayaa lahaa, waa naloo xukumay, Sadmddex xukun maxkamadeed ayaa noogu dhacay, ee waan kaa xallin karaa dacwadda saldhigga aan dhignay e, halkaas ha dhaafin oo ha kharash garoobin, intii hadhoow lagaa dumin lahaa”.

Markii uu hadalkiisii dhamaystey, ayaan anigoo si deggan ula hadlaaya ku idhi: “Haddii meeshu xayirnayd, maxaa laygu sharciyeeyay? Maxaa Dawladda hoose markay ii raaceen meesha u garan waayeen inay xayirantahay? Maxaa Kormeerka guud ee degmadu u ogaan waayay? Sidee meel xayiran Dawladda hoose iga qorshaysantahay oo loo baloodheeyay? Maxaa waraaqaha xayiraadda dawladda hoose loo dhigi waayay? Ma afka ayay idiinku xayirantahay?”

Waxbaanba xasuusiyay anigu markaas.

Maalin kadib ayaa layga yeedhay xafiiskii degmada I/Koodbuur, waxay ii dhiibeen waraaq xayiraadeed, oo markaas loo keenay, taasoo dhinac alla iyo dhinac loo qaado aan lahayn, bal waatan warqadduye ila eega. Dhinackasta waa waddo, kumanaan waddo ayaa dhinac kasta maraaya, bal waa saddexdee, saddexda uga xayiran Bari, Galbeed, iyo Koonfur?

Waxaan waydiiyay qoladii kormeerka waraaqdan xayiraadda goormaa la idiin keenay? Saaka 6dii subaxnimo ayaa la keenay ayay iigu jawaabeen.

Wali yididiilo ayaan qabaa oo waxaan ka rajo sugayaa maayarka, oo rag badani iigu maqanyihiin.

Waxaan u haystay in maayarku uu awood leeyahay , Waxaan moodaayay in maayarku uu madax banaanyahay ee aanuu lahayste ahayn.

Waxaan u haysatay in Maayarka sharcigii uu iigu saxeexay uu igu difaaci karo.

Waxaa Ergedii iyo rajadii aan naawilaayeyba soo afgo’een markii abaara 11kii iyo badhkii subaxnimo, aniga oo xiisad ku jira, uu xiisadda iiga yeedhay mid ka mid ah maamulka Iskuulku, Waan soo raacay, waxaa xafiiska hortiisa igu sugaayay, wiil uu madaxwaynuhu dhalay oo aan macallin u ahaa, iyo wiilkii uu abtiga u ahaa madaxwaynuhu, oo telephone aan ka doodno maahee aanaan hore isu arag.

Markaan arkay wajiga wiilka uu madaxweynaheenu abtiga u yahay wuu i gartay ana waan gartay.Waxa uu ka mid ahaa ardaydii ugu horraysay ee aan wax ugu dhigo dugsiga sare ee Gacan Libaax, islamarkii aanu indhaha isku dhufanay waanu isku naxnay oo igamuu filayn, waxa uu ii muujiyay ixtiraam badan haddana waxbaa dabada ka riixayay. Gacanta ayay i qabteen, waxa ay iila dhaqaaqeen dhinaca gaadhi madaw oo VX ah, cid gaadhiga saaran ma ogi markaas. Daaqadda danbe ayaa layga furay, Waan galay labadii inan ee ila socdayna way soo fuuleen. Waxaan ugu tegay gaadhigii oo aan hal-mar isha ku dhuftay, Maayarkii aan siraadka ku waayay oo xagga hore saaran, gaadhiga waxaa wada inanka madaxwaynuhu dhalay, xagga danbe waxaa fadhiyay nin cas oo buuran oo lay sheegay in uu madaxwaynaha walaalkii yahay, “keen faylkaagii” ayuu Maayirku si toos ah ii yidhi, Waan yaabbanahay faylkuna gaadhigayga ayuu ku jiray. Markiiba waxaa maskaxdayda kusoo dhacay, raadraaca documentska ayaa la rabaa in la tirtiro, waana lagu khiyaamaynayaa, hadalka ayay daldalayaan, waanse fekerayaa anigu, Waxa ay ii raacsheen “hawshaada waynu dhamaynaynaa, qorshaynta dhulka ayaynu eegaynaa nasii filkaagii”. “ma hayo iminka ma hayo” ayaan lasoo booday, laakiin sawirkii Faylka oo whatsuppka iigu jiray ayaan tustusay, waxbay akhriyeen “waa hebel sexeexaasi, kaasina waa hebel, waynu xidhxidhaynaa iyo waynu xidhnay kaas” ayaa laysku celcelinayaa, waxaan kaga degay farriin ahayd: “Adigu marka ay fullinta gaadho, macallin waynu dhamaynaynaa hawshaadee nasug, haddii kale ciddii kaa iibisay u doono Faylkaagana maayarka u keen” Haye Haye ayaan ku macasalaameeyay.

Guntii iyo gabagabadii, waa kuwan sawirrada gurigayga dhismihiisu bilawga ahaa, Waxaa qandaraaska dhiska qaatay shirkad dhisme, waxay qaadatay oo heshiiska usii shubay 50% lacagtii dhismaha, gurigu waxa uu ilaa hadda xayiranyahay 17cisho, Waxaa muddadaas ilaa maanta igu socda kharash, uu ka mid yahay kirada taangiyada biyaha, waashmaannada, iyo qalabkii oo meesha yaalla, sida sawirrada ku wada cad. Goobta dhismuhu ka socdaana ma aha goob cidlo ah, dhinac kasta waxaa ka xigaa waa dhisme hore loo dhamaystiray oo aan muran gellin.

Madaxwayne aragtaye!

Ma adaan ogaal noqon?

Mise waa adeegayaal

Gaar aad u leedahay?

Ma awoodahaagay

Ab intaad wadaagtaan

Noo adeegsadaanoo

Xaqa umadda duudsiya?

Waxaa Qoray: Maxamed Cismaan Siciid (Maxamed Soomaali)

COMMENTS
Arimaha Diinta