Haldoornews.com
MAXAAD KA OGTAHAY WAXA KU CADAA WARQADIHII MIISAANIYADA DEGMADA GABILEY WAXA LA QABTAY IYO WAXAAN LA QABAN. Qormadii 1aad.W/Q:Naasir Meecaad.
October 19, 2019 - Written by admin

MAXAAD KA OGTAHAY WAXA KU CADAA WARQADIHII MIISAANIYADA DEGMADA GABILEY WAXA LA QABTAY IYO WAXAAN LA QABAN.

Qormadii 1aad.W/Q:Naasir Meecaad.

Waxaa Miisaaniyaddii 2016 Ka Mid ahayd Mashaariicda Halkan idiinka Muuqata oo in badan Miisaaniyadihii Sannadadii ka danbeeyay Sannadkaa Ka soo Muuqday. Waxaa Sannadkaa ay Miisaaniyadani ku Salaysnayd ka Fulay Oo Qudha Mashruuca #Waddo lagu Xidhayo Garoonka Cusub oo looga jeedo Mo Faarax Taas oo Biriijkii Labbada Daamood isku Xidhayey uu Dhamaaday Sannadkii Sannadkaa ku Xigay. Waxa Kale oo Iyagana Sannadadii Sannad Miisaaniyeedkaa Ku Xigay La Fuliyey Iyagoo Labba sanno Miisaaniyadeed ka Mida Tirsadey halka qaarkood Saddex sanno Miisaaniyadeed Tirsadeen.
Mashaariicda kala ah:Qaybta 1aad ee Warqad Sheegta Miisaaniyada;-
7-Dhismaha Rug Booliis Galbeedka Magaalada. Oo qoondada Kharash ee loo qoray ahayd 292,626,400/=.
Qaybta 2aad ee Warqad Sheegta Miisaaniyada;-
1-Dhismaha Dayrkii hore ee Xabaalaha iyo. ………………………..
5-iibka Gaadhi Dabdamis ah oo qoondo Kharasheedkiisu ahaa
266,160,000/=.
Qaybta 3aad ee Warqad Sheegta Miisaaniyada;-
4-Dhismaha Waddada Allaybaday oo qoondo Kharasheedkeedu tahay
824,000,000/=.
Fiiro gaara:Waxaa Gudida Dhismaha Waddadaas la Gudoonsiiyey Lacag dhamayd 500,000,000/=. Waxaa kuu Muuqanaya in qoondo Kharasheedka Waddadaas Miisaaniyada loogu Daray iyo Inta La gudoonsiiyey Gudida Waddadaasi u Faraqani u dhexeeyo waxaanay noqonaysaa marka la kala jaro sidan:- 824,000,000-500,000,000 =324,000,000/=. haddaba lama Sheegin Meel Faraqan Xisaab Lacageed loo Wareejiyey Ama Markii danbe lagu qabtay.

Sida ay Warqaddani Qoondo Sheegta Miisaaniyada ayaa u Qoran Sidan:-

Magaca Mashruuca.Qaybta 1aad.
1-dhismaha dariiq cusub oo lagu xidhayo Garoonka Cusub ee Magaalada Kharash:652,652,400/=.
2-dhiraynta iyo Bilicda Magaalada
Kharash:100,000,000/=.
3-dhismaha Goob lagu nasto Carruurtuna ku Ciyaarto Kharash:
740,000,000/= (Ma Ceelaabaa hadaba yaabnaye ilayn la nooma dhisine).
4-dhismaha Qol Emergancyga Degdega ah Kharash:80,000,000/=.
5-dib u dhiska Dugsiga Galoolay Kharash:40,000,000/=.
6-iibka qalabka Nadaafada sida Kaaryoonayaasha Gaadhi Kharash: 50,000,000/=.
7-dhismaha Rugta Booliiska Galbeedka Magaalada Kharash 292,626,400/=(Waxaa la fuliyey 2018 kii Waxaanu dhamaaday bilowgii sannadkan 2019ka oo xadhiga laga jaray Booliiskana lagu Wareejiyey. Taasina Waxay Caddayn u tahay in Afar Sannadood ba uu Miisaaniyada ka Mid ahaa 2016/2017/2018/2019).
8-dayactirka iyo kordhinta Sariimada Hilibka iyo Khudaarta Kharashka:230,960,000/=.

Magaca Mashruuca Qaybta 2aad.
1-dhismaha dayrkii hore ee Xabaalaha iyo marinka Galbeed kharash:427,544,1100/=.
-Ma aqaan Meel la geeyay Number 2 ee Waxaa loo booday number 3.
3-dayactirka Xafiisyada D/hoose Kalabaydh Kharash:59,444,000/=.
4-iibka Gaadhi Kharash:100,000,000/
(Lama sheegin waxa uu yahay Gaadhigaasi iyo waxa lagu qabanayo)
5-iibka Gaadhi dabdamis ah kharash: 266,160,000/=.
-Ma aqaan Meel la geeyay number 6 ee waxaa loo booday number 7.
7-Samaynta Biyo Mareenada Kharash:42,562,748/=.
8-Mashruuca dhaqaalaha Maxaliga ah kharash:569,000,000/=.

Magaca Mashruuca Qaybta 3aad.
1-dhismaha Iskuulka Boocda Kharash: 160,000,000/=.
2-dhismaha Iskuulka Caada Kharash:122,124,000/=.
3-dhismaha Iskuulka Magaalo Farxaan Kharash:122,124,000/=.
4-dhismaha Waddada Allaybaday Kharash:824,000,000/=.

Warqadan Qoondooyinka Miisaaniyada Iyo Magacyada Mashaariicda Sheegaysa Waxaa ku Saxeexan Maayarka Degmada Gabiley Md:Maxamed-Amiin Cumar Cabdi Iyo Xoghayihii Fulinta ee Dawlada Hoose ee Gabiley
Md:C/raxmaan Nuur Abokor.

Waxaan uga Fadhinaa In Masuuliyiintaasi Inoo Sheegaan Waxa Mashaariicda Aan la qaban ay ku baaqdeen iyo kuwa Aan ilaa imika la qaban waxa loo qaban waayey?.

#Waxaa Adag Sidaad ku hesho Warqadaha ay ku Caddahay Sannad Miisaaniyadeedkii Golaha Deegaanka ee Gabiley.balse Waxaan si joogta ah u soo bandhigi doonnaa inta aynu ka helno Warqadaahaas Caddaynta u ah Wixii la qabtay iyo waxaan la qaban ba.Waana Muhiim inaad la socoto Waxa Muwaadin laguugu qabto Cashuurtaad bixiso ama Dakhliga Degmadaada Soo gala si aad u ogaato inay jirto Wax Isdaba Marin ama Daah furnaan iyo Daacad in Hawlaha lagu Wado. Helida la’aanta(Waayida) Warqad Miisaaniyeedyada Ayaa Caddayn inoogu filan In Musuq Maasuq jiro.

Lasoco Qaybta 2aad………………………
#Naasir Meecaad.

COMMENTS
Arimaha Diinta