Haldoornews.com
Daawo: Taabit Cabdi Maxamed oo ka hadlaya wixii laga gaabiyay 2 sano kaddib qaraxii 14 October
October 14, 2019 - Written by admin

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka warbixiyay wixii laga gaabiyay in la qabto labo sano kaddib qaraxii Zoobe ee 14 October ee sanadkii 2017, kaasoo ay ku dhinteen boqolaal ruux, halka boqolaal kalena ku dhaawacmeen, hanti fara badan ku burburtay.

Guddoomiye Taabit oo xilliga qaraxaas dhacayay ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in aan sinaba looga kabsan doonin dhaawicii maskaxda iyo niyadda ee gaaray shacabka Soomaaliyeed maalintaas, isagoo xusay in gurmad lagu guuleystay ay shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan ay muujiyeen.

Waxaa uu sheegay in wixii dhacay iyo dhibka intaas la eg ee ka dhashay uu ahaa mid aad u weynaa, isla markaana itaalka iyo tabarta dowladda iyo maamulkiisa aanay gaarsiisneyn in dhibka intaas la eg ee dhacay deg deg wax uga qabtaan, taasoo keentay in Mr Taabit ugu baaqay shacabka inay gurmad isugu soo baxaan.

Mr Taabit ayaa sheegay in aan laga faa’ideysan fursadii maalintaas la heystay ee ahaa in la abuuro jawi midnimo iyo isku duubni, isla markaana aan la helin hoggaankii ku hagi lahaa dareenkii ay muujiyeen shacabka.

Sidoo kale waxaa uu xusay in laga gaabiyay in la qabto ama la fuliyo balan-qaadyadii iyo talo soo jeedintii Guddigii Gurmad qaran oo ahaa in ugu horeyn la helo Bangi Dhiig, shaqaale u tababaran badbaadada xaaladahan oo kale iyo in la helo xarun gurmad degdeg ah, isagoo xusay in xataa haddii tabarta ay noqon weyday uu maamulkiisa xilligaas waday qorshe lagu taaba gelinayo in 4 degmo loo sameeyo xarun gurmad degdeg ah, balse aanay taas dhicin oo maamulkiisa uu ku dhacay is bedel.

Waxaa uu sheegay in dowladda ay lumisay fursad weyn oo ay kaga faa’ideysan kartay dareenka shacabka ee maalintaas, si loogu midoobo, loona soo afjaro dagaalka Al-Shabaab, ama aysan mar dambe dhacdadan oo kale u dhicin.

“Dareen weyn baa la muujiyay Umadda Soomaaliyeed waxay diyaar u aheyd dowladooda inay garab istaagto, naf iyo maal la huro, Alshabaab oo dhibkaas weyn geysata meel looga soow ada jeesto, balse ma aysan dhicin, waxaa loo baahanaa dad ku haga oo hoggaamiya kuna horkaca, si loo xaqiijiyo himiladaas, habacsanaan dhacda iyo ilduuf ka dhacay dowladda, fursadaas ay ka dayacantay dareenkii maalintaas bannaanka u soo baxayna aan laga faa’ideysan, waxay noqotay mid la hilmaamay dadkiina guryahooda isaga laabtaan”ayuu yiri Taabit Cabdi Maxamed.

Waxaa uu sheegay inay hubaal aheyd haddii maalintaas laga faa’ideysan lahaa dareenka shacabka inay horseedi alheyd nabad waarta in la helo sida uu yiri

Halkan hoose ka daawo

COMMENTS
Arimaha Diinta