News

Kenya oo baadigoobaysa Madaxii Amniyaadka Al-shabaab oo dalkeeda galay + Xukuumada Muqdisho oo ka jawaabtay.

Byadmin

Sep 30, 2019

Muqdisho(Haldoornews):-Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Ayaa Cadeysay in Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi oo Ku Magac dheer Ciise Tarabuun uu yahay Muwaadin Soo dhameystay Xukun Maxkamadeed.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in 24 bishaan dalkeeda uu soo galay madaxii hore ee amniyaadka Gobolka Banaadir ee kooxda Al-Shabaab, Cabdiwaaxid Khaliif oo loo yaqaan Ciise Tarabuun.

Qoraal kasoo Baxay Booliska dalka Kenya oo uu Wehelinayo sawirka Ciise Tarabuun ayaa dadweynaha Kenya looga codsaday inay saldhiga booliska ee ugu dhow ay kusoo war-geliyaan haddii ay arkaan ama ay helaan xog la xiriirta Ciise Tarabuun.

Bishii June 2017 ayay ahayd markii Wasiirka Amniga XFS Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) uu Warbaahinta u Sheegay in howlgal ciidamada amniga ka sameeyeen Suuqa Bakaaraha lagu soo qabtay Ciise Tarabuun caddaaladdana la horgeynayo.

 

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *