Haldoornews.com
Cashuurta iyo Dawladnimada : Qalinkii Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim
September 10, 2019 - Written by admin

Inta ay dunida jirto hal shay oo lagu qasbanyahay baa jirra, kaasi oo waajib ah, cid kastena ay maraayso waana dhimashada. Nolashan danbe ee casriga ah ee dawladnimadu timidayna, iyadna waxa waajib ah cashuurta oo inta ay dalwadnimo iyo maamul jiro waa lagu qasbanyahay, waana lagama-maarmaan. Sababta oo ah, waa mashiinka (engine) dhaqaajiya dawlada iyo dawladnimadaba.

Waxa jira dhawr ujeedo oo ay dawlad kaste u qaado cashuurta. Labada ugu mudanse waxa weeyi; in ay dawladu ku socodsiiso arimaheeda (mushahar, qalab, shidaal, safaro IWM) iyo Ta labaad oo ah ta ugu mudan ahna, in dawladdu dib u qaabeeyn (redistribute) ku sameeyso hantida iyo dakhliga dadka, iyada oo kuwa hantida badan haaysta iyo kuwa dakhliga badan soo gallo ka qadeeysa cashuur badan, kuwa nolasha hoose ku jirana cashuur yar. Dakhliga soo gallay gacanta dawladana, lagu soo saaro biyo, lagu dhiso ama lagu dayactiro; Iskuulada, Dhakhtarada, Goobaha dadka danyarta ahi ku ganacsadaan iyo wixii kale ee danguud ah.

Tan danbe waxa ay abuuraaysaa in dadka danyarta ahi ay bilaash ama qiime aad u jaban ku hellaan, dhamaan adeegyadii aasaasiga ahaa. Sidoo-kale waxa ay sahlaysaa, in bulashadu aanay aad u kala korin, muuqaal ahaan iyo dhaqaale ahaanba. “Isla jaanqaadka bulshaduna waa tiirka ugu muhiimsan ee amniga iyo dawladnimadaba seeska u ah.”

Marka intaas laga yimaad, iyada oo aynu ognahay in cashuurtu waajib tahay inta ay dawladnimo jirto, hadana cashuurtu abuur (Nature) ahaan  waa culeeys, bulsho kastena waay yar dhibsataa, cid katena way jeclaan laheeyd in laga yar dhimo ama laga yara khafiifiyo cashuurta ku waajibtay. Sidaas oo ay tahay, waxa iyaduna jirta dhawr talaabo oo loo baahanyahay in ay dawladu qaado, si ay dadku ugu qancaan culeeys kaste oo ay cashuurtu leedahay. Dariiqyadaasna waxa ka mid ah:

  1. In bulshada iyo hantidoodaba loo cashuura si ka turjumeeysa dakhligooda, oo aan isku xadi ama cabir (Value) qudha laga qaadin. laakiin, ay kala duwanaadaan, iyada oo qof kaste ama meherad kaste laga qaadayo cabir ama hal-beeg u dhigma dakhliga soo galla. Tusaale (qofka Musharkiisu yahay 100 dollar iyo ka musharkiisu yahay 1200 dollar maaha in 6% laga wada jaro. Waa in ka boqolka qaadanayana 6% cashuur ah la saaraa, ka 1200 dollar qaadanayana 10% cashuur ah laga jaraa)
  2. In ay jirto masuuliyad dawladeed, taasi oo bulshadu la xisaabtanto, una sharaxi karta meel kaste oo uu shilinkoodu (cashuurtoodu) ku dhacay ama waxa loo qoondeeyey… Marka qorshaha la sameeynayana waa in bulshadu qeeyb ka ahaataa oo lala socodsiiyaa sida loo isticmaali doonno cashuurta ay soo xareeynayaan.
  3. In cashuurta la soo xareeyey in ka mid ah laga dhiggo keyed, si marka arimo degdeg ahi soo baxaan ama dhibaatooyin dhacaan lagu gufeeyo keeydkii la hayay. Ujeedku waa in aan bulshada markaste loo baahan, waana mid ka mid ah waxyaabaha dawladnimada qurxiya.
  4. Si cashuur bixiyaha loo hanto jeebkiisa iyo laabtiisaba, waa in kharashaadka dawlada ee aan muhiimadda badan laheeyn meesha laga saaraa, kuwa muhiimka ahna waa in sida ugu macquulsan loo kharash-gareeyaa. Dhinaca kalena, waa in aad loo daboolaa baahiyaha bulshada ee muuqda.

Hadii aynu qodobadaas intaa ku koobno, Waxa iyaguna jira dariiqyo kale oo aan cashuur aheeyn dawladduse ay dakhli ku abuuran karto, kuwaas oo dawladda, dalka iyo dadkaba faa’ido ay ugu jirto. Tusaale kooban: dalka waxa ku yaal warshado soo saara biyo iyo sharaab iyo sidoo-kale bacco. Dadku marka ay ashyaadaa/walxahaa baahidooda ka dhameeystaan way tuuraan, dalkana bilic xumo ayeey u horseedaa, deegaankana khataro qarsoon. Sidaas oo ay tahay, hadana lagama maarsamayo oo nolol maalmeedka bulshada ayaa ku xidhan.

Hadaba, ka warama hadii caagad kaste oo biyo ama sharaab laga cabbo dawladu ay dulsaarato 200 shilling, darsin kaste oo bacco ahna la dulsaaro 300 shilling. Lacagtan waxa la siinaayaa qof kaste oo dawladda u keena baco ama caagaddo… Intaa kadib, dawladdu waxa ay keensaneeysaa mashiinkii dib u sameeynta (recycling) ee caagadaha iyo bacaha dib u sameeynayay. iyadaana warshadihii iyo bulshadiina dib uga iibinaaysa bacihii iyo caagadihiiba… Hadaba, soow habkani dawladii dakhli uma abuurin, dadkiina shaqo uma abuurin, dalkiina wax-soosaar uma aha, bilicdiina soow wax ka tari maayo.

Dariiq kale oo ay dawladdu dakhli ku abuuran karto ayaa wuxu yahay, in ay ka faa’ideeysato dhulka danta guud ah ee beeraha laga jarro. Labo siyaaboodba waa looga faa’ideeysan karaa; mar dhulkoo banaan bay dawladu kireeynaaysaa, mar-kalena inta ay dhisto ayeey dhismahaa kireeynaaysaa. Nidaamkani dadka ayuu dan u yahay. Sababtoo ah, dawladdu waxa ay sameeyn ku yeelanaaysaa suuqa kiradda guryaha iyo dhulka. Dhinaca/kalena dawladda dakhli baa ka soo gallaya.

Labadan dariiq oo kaliya uun maaha, waxa jira nidaamyo ka badan oo ay dawladu dakhli u sameeysan karto, iyadoon dadkana culeeys saareeyn, kaalmo shisheeye oo dibeda ka yimaadna ay sugeeyn.

Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim
Cabdiraxmanmid@gmail.com

 

COMMENTS
Arimaha Diinta