Haldoornews.com
War deg deg ah : Xukuumada Somaliland oo Al-baabada u laabtay Talefishanka Horyaal Tv.
September 6, 2019 - Written by admin

Hargeysa, Jimce 6/9/2019(Haldoornews):- Ciidamada amaanka somaliland ayaa galabta oo jimce ah la wareegay xaruntii talefishanka madaxa banaan ee Horyaal Tv.

Ciidamada oo siday ay sheegeen qaar ka mid ah Hawlwadeenada talefishanka oo goobta ku sugnaa waxaa hogaaminayey Taliyaha Ciidamada Dambi baadhista ee loo soo gaabiyo (C.I.D).

Habeenkii xalay ahaa ayaa mar kaliya uu baraha bulshada war sheegaya in talefishanka la xidhay balse ay beeniyeen qaar ka mid ah wariyayaasha tv-ga iyagoo sheegay in ciidamo yimaadeen xarunta tv-ga horyaal balse ay raadinayeen gudoomiyaha Tv-ga Maxamed Cismaan Mire (Sayid).

Balse maanta ayey ciidamadu la wareegeen xarunta Tv-ga Horyaal.

wararka ayaa sheegaya in loo haysto hordhaca barnaamij uu talefishanku ku soo bandhigay haween badan oo ku qayilaya Hool weyn oo ay isu urursadeen , barnaamijkan oo talefishanka horyaal iyo wariyayaashiisu ay siday ay sheegeen wacyi galinta Cunista jaadka oo haweenka aad ugu soo badanaya.

balse bulshada kala duwan iyo haween badan ayaa arintan ka qayliyey iyagoo sheegay in sumcad dilis uu ku kacay talefishanka horyaal ka dhan ah Haweenka somaliland gaar ahaana ku Hargeysa ku nool.

lama sheegin ciidamadan la wareegay talefishanka horyaal in ay siteen waaran maxkamadeed oo ogolaanayo in la xidho guud ahaan talefishanka.

wixii warar ah ee ka soo kordha xadhiga talefishanka Horyaal Tv kala soco shabakada Haldoornews.com

Hargeysa Office

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Arimaha Diinta