Haldoornews.com
Deg deg: Madaxtooyada Somaliland oo war ka soo saartay safarka madaxweynuhu ugu baxay Dalka Djibouti.
September 3, 2019 - Written by admin

Hargeysa, Salaasa 3/9/2019 (Haldoornews):- Madaxtooyada Somaliland oo war ka soo saartay safarka madaxweynuhu ugu baxay Dalka Djibouti.

warsaxaafadeedka oo uu soo saaray Afhayeenka madaxweynaha maxamuud jaamac warsame ayaa u dhignaa.

 

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Maanta U Ambo-Baxay Dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 03-09-2019 safar shaqo ugu baxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee aynu jaarka iyo walaalaha nahay.

Safarkan shaqo oo qaadan doona muddo kooban ayaa isla maanta markay gaadhaan dalka Jabuuti weftiga madaxweynuhu waxay si rasmi ah u gudo-geli doonan hawlaha shaqo ee ay dalkaasi u tageen.

Ujeedada safarka madaxweynuhu wuxuu daaran yahay xoojinta xidhiidhka qotada dheer iyo iskaashiga horumarka ee ka dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.

Waxaana Madaxweynaha Safarka ku wehelinaaya wasiirrada wasaaradaha, arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, gashaandhiga iyo xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Arimaha Diinta