Haldoornews.com
Deg deg : Guud ahaan ciidamadii iyo Saraakiishii somaliland ee degmada badhan oo ku Biiray Puntland +Sawiro
August 23, 2019 - Written by admin

Sanaag-Badhan (Haldoornews):- :Taliyihii Ciidamada Millateriga Somaliland ee gobolka Badhan (Sanaag) Guray Cismaan Saalax iyo Ciidankiisii ayaa ka baxay Somaliland, waxayna ku biireen Puntland.

Sidoo kale Guddoomiyihii degmada Badhan Cabdalle Cabdi Faatax iyo Tiyihii ciidamada Badda ee Degmada Laasqoray Mr.Casaanyo ayaa iyana ku biiray Puntland.

Xerada ciidamada Somaliland ee Badhan ayana laga dajiyey calankii somaliland iyadoona laga taagay calanka Maamulka Puntland.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac ‘Deperani’ oo arintaasi ka hadlay ayaa yidhi;

“Ugu danbeyn waxaan ku guuleysanay in Taliyihii Ciidamada Somaliland ee aaga Badhan Gurey Cismaan Saalax iyo dhammaan Ciidankiisii ay kusoo wareegaan Puntland”.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamo katirsan somaliland ay ku biiraan Puntland

Wixii intaa kasoo kordha waxaan idinku soo Gudbin doonaa wararkayaga dambe

Xigasho: Horn Cable Tv

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Arimaha Diinta