Haldoornews.com
Deg deg: Xildhibaanada golaha wakiilada ee ka soo Jeeda Gobolada Sool, Sanaag bari iyo Awdal oo ka dareeray fadhigii saaka + Akhriso Faahfaahinta
August 6, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Haldoornews):-xildhibaanada golaha wakiilada somaliland ayaa saaka fadhi lagu naaqishayey arimaha doorashada, ayaa waxaa ka dareeray Xildhibaanada golaha wakiilada ugu jira gobolada Awdal, Sool iyo Sanaag bari ayaa ka baxay fadhigii golaha wakiilada ee saaka.

Xildhibaanada oo qaarkood warbaahinta la hadleen waxay sheegeen inaan doorasho laga qabanayn deegaanadooda ilaa xal laga gaadho heshiiska saami qaybsiga kuraasta wakiilada.

Gobalada Awdal, Sool iyo Sanaag bari waxay ku leeyihiin golaha wakiilada saddex iyo labaatan xildhibaan (23) oo kaliya. halka gobolada, Sanaag, Saaxil, Togdheer, Maroodijeex oo beel kaliya degantahay ay leeyihiin Sagaal iyo konton xildhibaan (59)

Fadhiga saaka waxaa lagu ansixinayay heshiiskii saddexda xisbi ka gaadheen arrimaha doorashooyin.

muranka cusub ee ka soo cusboonaaday Kuraasta saami qaybsiga ayaan la ogayn wuxuu ku dambayn doono.

goor dhaw la soco Muuqaalka xildhibaanada warbaahinta la hadlay oo isha ku hay Haldoornews.com

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Arimaha Diinta