Haldoornews.com
Gudoomiyeha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur oo Tacsi u Diray Qoyska iyo Qaranka Somaliyeed ee uu Kaxay Eng. yariisaw
August 1, 2019 - Written by admin

Allaha u naxariisto Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yarisow. Wuxuu ahaa nin firfircoon oo jecel adeega bulshada. Waxaan isku baranay ururkii Somali Concern Group ee xuquuqda Soomaalida UK u dhaqdhaqaaqa. Waxaan kaloo qayb ka wada ahayn, halgankii looga soo horjeeday duulaankii Itoobiya dalka ku qabsatay. Wuxuu ahaa shakhsi afgaaban, xishood badan, tababaran, xirfad maamul leh. Waxaan kula kaftami jiray, maamulka ayaad uga fiican tahay siyaasada. Wuxuu ka mid noqon doonaa saaxibo badan oo qaali ah oo aan halgan soo wada galnay oo ay argagexisadu dishay. Allaha u naxariisto, ehelkiisa iyo asxaabtana sabar iyo iimaan Allaha ka siiyo. Aamiin

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Arimaha Diinta