Haldoornews.com
Guddoomiyihii Gobolka Banaadir oo u Geeriyooday dhaawicii Qaraxa kasoo gaadhay
August 1, 2019 - Written by admin

Allaha u naxariistee waxaa goor dhow Isbitaalka Hamad ee magaalada Doxa ee dalka Qatar ku geeriyooday Guddoomiyihii Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay todobaadkii hore Xarunta Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Yariisow oo dhaawiciisa ahaa mid culus ayaa khamiistii hore loo qaaday dalka Qatar, iyadoo muddo todobaad ah lala tacaalayay.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar ayaa xaqiijiyay geerida Eng. Yariisow oo muddo todobaad ku jira xaalad koomo ah oo dhaqaatiirtu la tacaalayeen, waxaana dhaawaca ugu culus uu ahaa dhanka madaxa.

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Arimaha Diinta