Haldoornews.com
War deg deg ah: Xukuumada Somaliland oo Afar wariye ku xidhay Magaalada Hargeysa.
July 30, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Haldoornews):- Xukuumada Somaliland ayaa xabsiga u taxaabtay afar wariye oo ka hawl galla talefishanka Eryal ee Magaalada Hargeysa , wariyayaashan oo kala ah Badri Koosaar, Cabdiraxman Fantastic, Caydaruus Maxamed iyo Kamaal.

wararka ay helayso Haldoornews ayaa sheegaya in wariyayaashan la xidhay ka dib iyagoo ku jira hawl maalmeedkooda shaqo isla markaana dad cabanaya ka duubaya war.

xukuumada madaxwayne Biixi ayaa ugaadhsi ku haysa wariyayaasha kala duwan ee reer somaliland iyadoon u aabo yeelayn isla markaana xidhaysa waaran la,aan iyadoo u adeegsanaysa ciidamada booliska.

wariyayaashan ayaa ku xidhan saldhiga degmada Ibraahin koodbuur.

Maalmo ka hor waxaa isaguna ay xukuumadu xidhay wariye maxamed yuusuf bakayle, oo isagana laga soo xidhay hotel-ka Summertime xili habeenimo ah.

wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco Haldoornews.com

Hargeysa office

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Arimaha Diinta