Haldoornews.com
Dagaal ka Dhex Qarxay Ciidamada Somaliland iyo Jabhada Kornayl Caare iyo Khasaare halkaasi ka Dhashay.
July 27, 2019 - Written by admin

Ceerigaabo (Haldoornews)-Wararka Naga soo Gaadhaya magaalada Ceerigaabo ayaa Sheegaya in Saaka Dagaal ka Dhex Qarxay Ciidamada Somaliland iyo jabhada uu Hogaamiyo Kornayl Caare kuwaasi oo isku Haleelay Buurta ay Marto Wada Tabca ee Woqooyiga Magaalada Ceerigaabo.
Jabhada Kornayl Caari ayaa in Mudda ah Ciidamada Somaliland ku Horjoogeen Halkaasi tan iyo intii ay Gudaha usoo Galeen Somaliland halkaasi oo Odayaasha iyo Salaadiinta Deegaanku ugu kala Dabqaadayeen Xukuumada Somaliland iyo jabhada kornaylka.
Jabhada ayaa la sheegay inay Xalay ka Dageen Buurtii ay Saarnaayeen isla markaana ay Ciidamada Somaliland ka Daba Tageen iyada oo halkaasi uu ka Dhacay dagaal Dhexmara labada Dhinac.
Lama garanayo Khasaaraha Dhabta ah ee labada Dhinac soo kala Gaadhay balse waxaa la sheegayaa in Dhaawacyo lasoo gaadhsiiyey Cusbitaalka Magaalada Ceerigaabo.
La soco Wixii ka soo kordha Arimahaasi.

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Arimaha Diinta