Haldoornews.com
Xukuumada Farmaajo oo faro madhan ka taagan awood ku lahaanshaha Doorashooyinka Jubaland + Waraaq Calaacal ah oo ay soo saartay.
July 25, 2019 - Written by admin

Muqdisho(Haldoornews):-Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya ayaa waxay hadal kasoo saartay gedi u soodka doorashada maamulka Jubaland.

Wasaaradda waxay sheegtay in liiska odeyaasha dhaqanka ee soo xulayo golaha wakiilada Jubaland aysan waafaqsaneyn diiwaanka rasmiga ah ee ku xusan liiska odeyaasha beelaha Jubaland.

Dowladda Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay khatarta ka dhalan karta haddii aanan la sixin liiska odeyaasha dhaqanka ee ku howlan soo xulidda golaha wakiilada Jubaland.

War saxaafadeedka kasoo baxay dowladda dhexe ayaa waxaa sidoo kale loogu baaqay Jubaland inay xaqiijiyaan qoonddada haweenka marka ay soo xulayaan xubnaha baarlamaanka.

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Arimaha Diinta