Haldoornews.com
Xildhibaan Baarlamaanka UK u soo Jeediyey inay Ku Biiraan Magaalooyinka Dalkaas ee ku Baaqay Aqoonsiga Somaliland
July 18, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Haldoornews)- Xildhibaan Stephen Doughty oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka UK ayaa ammaanay tallaabadii  Golaha Deegaanka ee Magaalada Birmingham ay ku aqoonsadeen dhawaan madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Mudane Stephen Doughty wuxuu  sidaasi ka sheegay fadhi uu yeeshay Baarlamaanka Ingiriisku,waxaanu  xildhibaanku bartiisa Twitterka ku baahiyey inuu fursad u helay inuu bogaadiyo  Golaha Deegaanka ee Magaalada Birmingham isla markaana uu baarlamaanka UK ku booriyey inay ku soo biiraan Magaalooyinka Cardiff,  Sheffield iyo Tower  Hamlet oo hore u  soo jeediyey in la ictiraafo Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kaloo uu  Stephen Doughty   oo ka mid ah saaxiibbada Somaliland uu  Baarlamaanka Ingiriiska ka sheegay in qurba jooga Somaliland ee ku nool UK  ay taageero ka geysteen horumarka iyo ganacsiga Somaliland.

Sidoo kale, Wasiirka Horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska Mr. Rory Stewart  ayaa isna  fadhigaas ka xaqiijiyey  in qurbajooga Somaliland ee UK ay si xoogle ugu ololeeyaan Somaliland, waxaanu tusaale u soo qaatay inay ka hawlgalaan  sidii Somaliland u xakameyn laheyd  Gudniinka fircooniga ah.

Wasiirka Horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska wuxuu xusay in Jaaliyadda Somaliland ee UK ay dalkooda ka saacidaan sidii ay u geyn lahaayeen khubarro gacan ka geysata mashaariic ka socda Somaliland.

Siday werisay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA,  Waa markii labaad ee Xildhibaan Stephen Doughty uu muddo laba bilood gudahood ah Baarlamaanka Ingiriiska ku soo hadal qaado Qaddiyadda JSL.

Cumar Maxamed Faarax

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Arimaha Diinta