Haldoornews.com
“Wiilka Darajada Lagu Taxay Waxa Uu Dilay Shan Askari Oo Ciidanka Xooga Dalka Ka Mid Ah”..Hogaamiyaha Ururka Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur
July 17, 2019 - Written by admin

Muqdisho(Haldoornews):-Siyaasiga Caanka ah ee Xisbiga Wadajir ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa arin yaableh fashiliyay, taasi aad u soo jiidatay dareenka Shacabka Reer Muqdisho iyo guud ahaan Umaddii Soomaaliyeed ee Qoraalkiisa akhriday.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay Askari ay garaado sare ku taxday Villa Soomaaliya waxaanu ka hadlay sababta “Waxay ummada Soomaaliyeed wada ogsoon tahay in wiilkan garaadaha sareeya guuto caawa loo xiray uu xasuuq ka gaystay xarunta Xisbiga Wadajir oo uu 5 askari oo ciidanka xooga dalka ka tirsan ku dilay, maydkoodiina kabaha ku aasay.

Tani waxay cadayn u tahay in kuwa abaalmarinta siinaya iyo kuwa kor ka soo amray ay danbiga shirko kula yihiin, waxayna shacabka Soomaaliyeed tusaysaa sida uu rajiimka Vila Somalia ka taliyaa sharci, dawladnimo, damiir iyo dadnimo kaga arradan yahay.

Waxaan kalsooni ku qabaa in wiilashii la xasuuqay mar ay noqotoba ay cadaalad heli doonaan, sawirkaninna uu marqaati fur u noqon doono gaboodfalka xasuuqii uu rajiimka Vila Somalia ka arrimiya geystay.

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Arimaha Diinta