Haldoornews.com
War deg deg ah: Badhasaabka Gabiley oo Kalfadhi aan caadi ahayn isugu yeedhay Xildhibaanada Golaha deegaanka  xili mooshin laga keenay Maayarka degmadaasi.
July 14, 2019 - Written by admin

Gabiley, 14/7/2019 (Haldoornews):-Khilaaf dhawaanahanba u dhexeeyey Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Gabiley iyo Maayarkooda Maxamed-Amiin Cumar.

xildhibaanadan oo doonayey in ay xilka ka qaadaan maayarkooda ayaanay u suuro galin marar badan oo ay isku dayeen, hadaba dhawaan ayey markale is urursadeen xildhibaano gaadhaya 11 xubnood kuwaasi oo warqad u doontay wasaarada arimaha gudaha si loogu ogolaado in ay kalfadhi qabsadaan ay maayarka xilka kaga qaadayaan.

warar kale oo ay shallay helaysay shabakada haldoornews ayaa sheegayey in xildhibaanadu ay kala daateen, iyadoo gudaha magaalada gabiley na xoog looga hadal hayey.

Saaka warqad uu soo saaray badhasaabka gabiley ayaa waxa uu xildhibaanada isug yeedhay kalfadhi aan caadi ahayn , warqada ayaanay ku cadayn u jeedada loo qabanayo kalfadhigan iyadoo sida la sheegay  xildhibaanada ku kaacsan maayarkoodu ay dalbanayaan in badhasaabku warqada ku daro xil ka qaadista maayarka degmada Gabiley Maxamed-Amiin Cumar cabdi.

lama oga ilaa iyo hada siday wax u dhici doonaan markay xildhibaanadu isugu yimaadaan kalfadhigaa aan caadiga ahayn ee uu shir gudoomin doono badhasaabka gobolka gabiley.

Akhriso ka soo baxday Xafiiska badhasaabka

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Arimaha Diinta