Haldoornews.com
Khasaaraha Qarax Xoogan oo maanta Kismaayo ka Dhacay iyo Tirada Dadka ku Nafwaayay Qaraxaasi.
July 12, 2019 - Written by admin

Qaraxa maanta Kismaayo ka dhacay waxa uu ahaa mid aah u culus oo laga dareemay qeybaha kala duwan ee magaalada Kismaayo.

Muuqaal laga duubay garoonka kubbada cagta ee Waamo oo ka fog meesha uu qaraxa ka dhacay ayaa muujinayay iyada oo lagu kala cararayo, iyo dad hanfariirsan.

Muuqaalka ayaa muujinaya uurada iyo qaaxa qaraxa oo uu muuqaalka meel fog ka qabtay.

Dad kala duwan oo magaalada ku sugan oo ay BBC la hadashay ayaa sheegay in guryaha ay ku ruxmeen, qaarkood uu saqafka wax gaaray.

Magaalada ayaa la ciirciireysa dad aad u badan oo magaalada u tagay arrimaha doorashada baarlamaanka iyo madaxweynaha Jubbaland, iyada dhammaan hoteelada ay buuxaan.

Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya weerar qarax iyo tacshiirad isugu jira oo casir gaabadkii maanta lagu qaaday hotel ku yaala magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in weli la maqlayo rasaas ka dhacaysa gudaha hoteelka saacado kadib markii uu weerarka biloowday.

Ciidamada amniga ayaa la tacaalaya rag hubeysan oo ku jira gudaha hoteelka, waxaana jira warar ka hadlaya in ay jiraan dad halkaas weli ku xayiran oo aanan la garanaynin bad qabkooda.

Lama oga tirada rasmiga ah ee qasaaraha dhacay dhimasho iyo dhaawacba, sababtoo ah weli saraakiisha dowladda kama hadlayaan xaaladda.

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Arimaha Diinta