Haldoornews.com
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay saddexda nin
July 10, 2019 - Written by admin

Muqdisho(Haldoornews):-Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay saddexda nin oo loo heystay weerarkii lagu qaaday Hotelka Naasahablood 2 ee Magaalada Muqdisho sanadkii 2017.

Saddexda Nin ee saaka Maxkamadda xukunta dilka ah ku fulisay ayaa kala ahaa Farxaan Maxamed Samatar,C/naasir Dhaqane&Abshir Maxamed Xaaji.

Raggan ayaa lagu eedeeyay in ay fuliyeen weerarkii Hotel Naasahablood 2 lagu qaaday 28kii October 2017kii, xilligaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 20 qof.

Xigasho: Hctv

COMMENTS
Arimaha Diinta