Haldoornews.com
Somaliya Oo Soo Saartay Amar Ku Wajahan Hay’adaha Caalamiga Ah Iyo Beesha Caalamka.
July 7, 2019 - Written by admin

Muqdisho(Haldoornews):-Dowladda Somaliya ayaa warqad waxa ay u dirtay Hay’addaha degan Muqdisho, gaar ahaan kuwa ku sugan Xalane ee halkaasi ku shaqeeya.

Warqadda oo ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa lagu wargeliyay dhamaan Hay’addaha Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Amisom iyo Shirkadaha Duulimaadyada ee ka hawlgala Muqdisho in Garoonka Aadan Cadde aysan ugu yeedhi karin magaca Garoonka Muqdisho, balse magaca saxda uu yahay Aadan Cabdulle Cismaan Airport.

Beesha Caalamka ayaa loogu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan u beddelaan magaca Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho oo wali ku jira warqadaha rasmiga ee la isu diro.

 

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Arimaha Diinta