Haldoornews.com
Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo Jawaab Waafiya Siiyay Abwaan Weedhsame oo ay Ku kala Aragti Duwanaayeen Calanka Somaliya,
May 16, 2019 - Written by admin

Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo ka Jawaabaya Su’aalo dhawr ah uu Weedhsame ka Waydiiyey Maqaal Calanka Somaliya ku Saabsanaa oo uu Bartiisa Facebook soo Dhigay ayaa waxa uu udhignaa sidan
·
Weedhsame Daahir Ismaaciil waxa aan akhriyey naqdigaagii ku saabsanaa qoraalkaygii calanka buluugga ah oo toddoba qodob wax iga wax iga soo weydiisey. Wax kale ku dari maayo ee aan su’aal su’aal kaaga jawaabo:

1. Maxaad ku salaysay in labada calan kala wanaagsan yihiin?

Jawaab

Waxa aan ku saleeyey calanka Naasiga ee la barbardhigayo calanka buluugga ah si rasmi ah ayaa adduunku ugu aqoonsaday in uu yahay calan midab iyo isir tirid ku salaysan oo mabaadidaas ku dhisan, uuna u qalmo in la mabnuuco, waana la sameeyey, calankan buluugga sidaas ma aha, kumana dhisna, adduunkuna waxa uu u ayidsan yahay calanka Soomaaliya.

Adiga iyo kuwa labadaas calan masaynaya ee isku xoqaya ayaan u arkaa in ay caaddifadi dilooyey, maangalnimada ay ka fog yihiin ee anigu wax xubin leh ayaan ka hadlay.

Waxa kale oo aad gacaliyow tidhi hadalkaagu waa anigaa jecele ila jeclow!
Labadaas calanka kolka ay ii timaaddo wallaahi hadalkaagan waa aan ku qoslay oo kaama aan fileyn.

Ogow Weedhsame in calanka Naasigu la maqaam ahaa calanka Kulmiye ama Ucid ama Waddani oo uu ahaa calan xusbi oo aanu ahayn qalan qawmiyadeed ama waddan.

Calankii Jarmalka ee dagaalkii labaad waa uu nool yahay oo cidina shu’aysato. Taasi waa xusuusin taariikheed.

Buluugga ayaan shaki la’aan jeclahay, waxa aanu ka mid kuwa aan ugu jeclahay. Cidna se kale u juujuubi maayo in ay jecladaan oo maangalba ma aha in la yidhaahdo dookhayga dadku ha ila yeeshaan.

Xisaabadka aad macallin adeegsateyna iyo dooddani isma khuseeyaan oo dooddaydu waa ‘kow ee laba ma aha”. Waxa aan kala doortay laba walxood oo la is barbardhigay culays iyo fudayd la’aan.

Sidaas daraaddeed marka ay laba shay timaaddo sida laba calan ama laba gaadhi ama laba qof oo la kala dooranayo waa maangal in mid lagu qaato astaamo u gaar ah. Xisaabtaaduna waa hadal tiro aan wax macne ah qodobkan u yeelayn.

2. Xaggaad tiradan ka keentay 30 ka milyan ah?

Jawaab

Tan ayaa haddaba xisaabi u baahan , si koobanna u iiga hoo.

Tirada qawmiyadda Soomaalida waxa lagu qiyaasaa 27 – 30 milyan oo ku kala nool waddamada Soomaaliya (15, 578, 654), Itoobiya (6, 808, 049), Kenya (2.4), Djibouti (590, 336) , Diaspora (1.5).

Macallin Jaamacad wax ka dhiga ayaan ayaan u jawaabayaa ee kaama aan fileyn in aad afkii suuqa ku hadasho oo aad tidhaa ma adigaa qaaday tiro-koobka iyo aan kula hubinnee xaggee ka keentay?

Waxa ay ahayd in aanad wakhti tan oo kale inagaga lumin ee aad daqiiqado ku soo hesho oo aad ama igu raacid ama igu beenisid tiradaas.

Ma aad yeelin taase, aan kuu cudur-daaro’e, ka raadi Worldometers.info iyo meelaha kale ee lagu soo bandhigo qiyaasaha tirada dadka adduunka, cufnaanta tirada dadka per kilometre waddan kasta iwm.

Tiradaas lagu qiyaaso qawmiyadda Soomaalida ee 27 – 30 milyan lagu tilmaamay waxa aan qabaa aniga qiimayntayda qof ahaaneed in ka yar 3 milyan ay calankaas buluugga ah cuqdad iyo xasaasiyad ka qaadday. Inta kale soo hadhay waa ay ayidsan yihiin oo ku iimaan qabaan jiritaankiisa iyo karaamayntiisa. Gobollo dhan oo Somaliland ka mid ah ayaa laga ayidsan yahay meel kale iskaba dhaafoo.

Intaas yar ee cuqdadda ka qabtaana waa ay sii yaraanaysaa marba marka ka sii dambeeya oo taas Ceerigaabo dhexdeeda la isla taago, Sool iyo Buuhoodle lagaga dabbaaldego, Awdal lagaga faano, Burco iyo Hargeysa ay dadka badan ee kordhayaa calan caadi ah u arkaan.

Beeni maxay tari Booramaan ka imide!

Macallin, abwaan ereyada “ayidsan iyo ku iimaan qaba” sidaas baan cidina gef uga gelin oo halkoodii baa loo adeegsadey ay xaqa u laahyeen. waana aniga oo kugu idhaah ereyada “abwaan iyo macallin” inoogu tudh!

3. Calanka buluugga ah iyo laandheerennimadiisa Djibouti iyo labada is muumul ee Itoobiya iyo Kenya?

Jawaab

Muran kama oogna in si meeqaam sare looga ixtiraamo calaankaas buluugga ah ee degaannadaas. Djibouti waa u ka dul babbadaa, lagaga dhex xafladeeyaa oo la lulaa, Jigjiga iyo Gaarisana hablahaa ku xarragooda oo si xaqdhawr iyo milge leh baa looga ayidsan yahay si aan calamada kale ee aad shergtay ee USA, Britayn, France iyo Sucuudiga looga maamuusin. Waa ka laandheere laandheere dhalay marka degaannadaas la eego.

Ma in laga nacaa baad jeclaan lahayd ama sida kii Naasiga la xarrimo?

Ha ku solo wanaaggaasi macallin. Kkkk kaftan aan turxaan lahayn oo nasiimo ah dheh.

4. Waxad tidhi “Dhammaan dawladaha caalamku waxa u aqoonsan yihiin in uu calankaasi yahay calanka Soomaaliya oo ay sharciyanna Somaliland ka mid tahay”

Jawaab

Intani waa xaqiiqo qallalan oo iidaan uma baahna. Tani waa run u qaawan sida cir aan caad lahayn! Garanna maayo waxa aad abwaan igaga soo celisey.

Somaliland na anigu kuma khasbayo in ay qaataan, hase yeeshee in ay dadka ayidsan ee ku iimaanka qaba in lagu xaqdhawro waan soo jeedinayaa, aniguna waxa aan u hayaa ixtiraamaan, wax cuqdad ah kama qabo horrayso iyo dambaysaba. Waxa aan u aqaan calan aan wax ku leeyahay.

5. Waxad tidhi “Calankani cidna dembi kama gelin. Waxa lagu dagaallamay siyaasad iyo kelitalisnimo wax la wada lahaa cid gaar ahi si gaar ah ugu tagri falayso. Waa la ridey oo laga adkaaday. Waa wax dunida oo dhan ka dhaca, kana dhici doona taasi. Dad baa sameeyey, samayna doona”

Jawaab

Weli waxa aad isku xoqaysaa laba calan oo kala astaan iyo jiritaan ah. Calan adduunka isir nacayb, diin nacayb iyo midab la collow adduunka ku gilgiley oo maalaayiin qof ku gumaaday oo lagu qiimeeyey calan sita aragti xagjirnimo, lana mabnuucay iyo calan aan u jirin nacayb midab, isir iyo diin midna oo loo aqoonsan yahay qaran ka mid qaramada xorta ah ee adduunka.

Qodobkani walaal waxa uu kaala baxay soohdimihii aqoonta iyo maangalnimada, waana mid ila jaban oo waa kii qoraalkayga keenay: labada shay ee aan lahayn astaamo la isku barbardhigi karo!!

Calanka buluugga ahi ma sito, umana jiro aragti la mid ah ka Naasigu u jirey. Wixii Soomaaliya ka dhacay sidaas darteed isagu uma aanoobi karo, waxa u aanooba kuwii dembiyada ku galay milgihii qarannimo ee Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood Hargeysa kula joogaan oo hebello la og yihiin oo badan oo madax siyaasadeed lahaa, saraakiil milateri lahaa iwm.

Macallin sidee xaajadu kaaga yar hoos baxaysaa. Sawdiga fadhiya rugihii aqoonta!m ee garaadka bulshsda iyo madaxda jihayn jirey. Sawdigan iyagii hor boodey. Maxaa jira oo ku daaray?

6. Waxad tidhi “Magaca qawmiyaddu iyo astaamaheedu oo calanku ka mid yahay uma aanoobaan wixii anafo ahaa ee dhacay oo waa ay ka soo doogaan in kasta ha ku qaadatee”.

Jawaab

Soomaali waa dad isku isir ah, isku af ah, dhaqan iyo dhur wadaaga, soohdin dhuleed oo isku xidban, iskuna diin ah. Calanku inuu astaan intaas u taagan yahay waxa sharxaya xiddigta shanta gees leh.

Aasaaskiisa ayaa kaas ahaa, welina waa uu haystaa astaantaas qeexaysa walaaltinnimada qawmiyaddaas si kasta oo ay qawmiyadda qaybo ka mid ahi dadyow iyo dawlado kale wax la yeesheen.

Su’ aashan jawaabteedana adigaa isugu jawaabaya su’ aalaha badan ee qodobka 7aad ee kaana dib u eeg.

Haddii aad doonayso yiqiin intaas ka weyna dib u daraasee calaamadaha calamada Soomaalida gobolka Geeska Afrika ku nool. Dib u cilmibaadh taariikhda faca weyn ee Soomaalidu wada leedahay, dib u jalleec suugaanta ka dhexaysa ee guunka ah………

Shanta gobol ee gumeysigu Soomaalida u kala qaybiyey ogow in aan gobolka degi karo, ku noolaan karo, kana ganacsan karo, aqoonsigiisana aan qaadan karo. Qawmiyad la kala qaybiyey oo haddana xanjada iyo xadhkaha isu hayaa adag yihiin weeye Soomaalidu.

7. Waxad tidhi “Magaca Soomaali iyo calanka buluugga ah ee Soomaliya midkoodna uma qalmaan in la la colloobo, in laga cuqdadoobo iyo in la isku khuukhiyo oo laga baqo midkoodna”

Calanka buluugga ah ee soomaaliya maxaad isugu sidigtay?

Abwaan tan jawaabteeda ka gogo’ jawaabta su’aashaada qodobka lixaad.

Waa ayo cidda la collowday, cuqdada u haysa ee lagu khuukhiyo Soomaalinimadu?

Jawaab

Maqaalkayga oo dhan bay taasi ku caddahay. Cidda la colka ahi waa cidda calankii Naasiga ku xoqaysa oo kala mid dhigaysa. Cidda lagu khuulhiyo ee Soomaalinnimada cuqdadda ka qabtaa waa inta calankaas ka didda ee ka baqata muuqiisa iyo noloshiisaba.

Cidda calanka Buluuga ah diidaa Soomaalinimada miyey diiday oo Sinji doorsatay?

Jawaab

La ye, “waayeel waa ayo iyo waa innaga haddii la is yeel yeelayn”.

Soomaalinnimo agteenna ayuu waraabe ku cunay. “Ma nihin isku dad, ma nihin isku isir, ma nihin isku af, ma nihin isku dhaqan ilaa dadka qaar ay shaki geliyaan xataa in aynu Soomaaliya isku diin nahay ayaa xaalkeennu marayaa oo aan hubaa in aad og tahay oo si muuqata aynu ubadka ku jahaweerinnaa. Dee malahayga jaamacadaheenna ayaaban cilladdaas ka nabad gelin!

Gunaanad

Marka la isku soo urursho naqdigaaga waxa iiga soo baxay in aad is carrab tirayso oo aad igu gooli-baadhayso su’aalo aad jawaabahooda hayso ama baadhitaan kaaga baahnaa, taas oo ah qodobka aan aaminsanahay in uu saxda yahay, haddana qodobka kale ee igu soo dhacayaa waxa weeye dadkii aad la hadlaysey iyo tolow abwaanku maxay ku kala duwan yihiin?!

Ta hore aan u badiyo haddii ay tahay aniga malahayga qiyaas ahaan, adigaa se iga og.

Dhinaca kale waxa aad igu tidhi jid ii bixi, waxa aan kuu sheegayaa in aan uurkayga kuu ballaqay adiga iyo bulshadaba si daacadnimo leh, ta dambe haddii ay tahayna, Alle rugihii aqoonta loo filayey ha asturo.

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Arimaha Diinta