Haldoornews.com
Xildhibaankii Qaranimada Somaliland Sida Xun u Caayay oo Xabsiga La Dhigay
May 10, 2019 - Written by admin

Ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa la sheegayaa in ay xabsiga u taxaabeen Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah golaha wakiiladda soomaaliland.

Xadhiga Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ayaa ka danbeeyay ka dib markii uu shalay si weyn u dhaleeceeyay xuska 18 may oo uu ku sheegay in ay tahay maalin ay mid ka mid ah beelaha soomaaliland wada degaa gaar u leedahay, isla markaana Aflagaado Qaawan kula Dul kufay Shacabka Somaliland ee Xilka Golaha ku Matalo.

Xukuumadda Soomaaliland ayaan weli ka hadal xadhiga Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, hasayeeshee waxa la filayaa in ay saacadaha soo socda in ay faahfaahin ka bixiyaan xadhigiisa.

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Arimaha Diinta