Haldoornews.com
War deg deg ah Wareegto Imika Madaxtooyada ka soo Baxday iyo Masuul laga qaaday Xilkii uu hayay + Waa Kume …Akhriso
April 6, 2019 - Written by admin

Hargeysa, Sabti 6/4/2019 (Haldoornews):- Wareegto imika ka soo baxday Madaxtooyada Somaliland ayaa xilkii lagaga qaaday Gudoomiyihii Gudida Mihnad layaasha Caafimaadka Somaliland Axmed Xaashi Oday, iyagoo xilkani loo magacaabay Haweenay Lagu Magacaabo…….

Akhriso Warsaxaafadeed

 

WAREEGTO MADAXWEYNE: 06 /04/2019

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-292/042019 uu ku magacaabay Guddoomiyaha Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoonteeda, Kartideeda iyo Waaya-aragnimadeeda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karto Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Dr. Luul Jirde Xuseen Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Guddoomiyaha Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaan uga mahadcelinayaa Guddoomiyihii hore muddadii uu hayey xilka Qaranka.

ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Arimaha Diinta