Haldoornews.com
Ciidamadda Booliska Oo Xabsiga Dhigay Agaasime Kale oo baadhistii Hanti-Dhawrku Saamaysay….Daawo Muuuqaal
March 20, 2019 - Written by admin

Hargaysa(Haldoornews)Ciidamada booliska Somaliland ayaa maanta xabsiga u taxaabey agaasimihii Maamulka iyo Lacagta Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Xasan Maxamuud Muxumed.

Warar hordhac ah oo ay helaysay shabakadda caalamiga ah ee hadhwanaagnews ayaa tibaaxaya in amarka lagu xidhay uu bixiyay Hanti-Dhawrka Somaliland oo Bilihii ugu dambeeyay baadhis ka wadday Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Oo Lag Edeeyo in ay ka dhacdo wax is-daba marin wayni.

Saaka ayay ahayd iyaduna markii la xidhay agaasimihii guud ee wasaaradda warfaafinta u isagu shalay war-qadiisa is casilaadda uu gudbiyay madaxwaynaha somaliland,waxaana ay tani noqonaysaa in baadhista ay wadeen hanti-dhawrku in laga gun-gaadhay.

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Arimaha Diinta