Haldoornews.com
Qarax baabuur oo ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Khasaaraha uu Gaystay.
March 14, 2019 - Written by admin

Qarax ka dhashay baabuur walxaha qarxa lagu xiray ayaa maanta ka dhacay isgoyska Shaqaalaha ee waddada Makka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Babauurka la qaxriyey ayaa la sheegay inuu lahaa sarkaal ka tirsan hay’adda Danbi-baarista dowladda Federalka Soomaaliya ee (CID) oo lagu magacaabo Cumar Bile.

Cumar Bile ayaa la sheegay in xilliga uu qaraxa dhacay uusan ku jirin gaarigiisa.

Lama sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay qaraxii maanta.

Qaraxan ayaa yimid toddobaad un kadib markii qarax kale oo gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Tiyaaratarka Qaranka iyo Daljirka ay ku dhinteen shan qof.

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Arimaha Diinta