Haldoornews.com
Ciidamada Booliska Oo Xabsiga Dhigay Sadex Wariye Oo Gabiley Ku Sugan Iyo Sababta Keentay
March 10, 2019 - Written by admin

Gabiley(Haldoornews):-Ciidamada booliska somaliland ee Gabiley ayaa xabsiga u taxaabay sadex saxafi oo ka hawl gala magaaladaasi.

Weriyeyaasha la xidhay ayaa kala ah Siciid Nuux Kibaar, Maxamed Watiin Iyo Jacfar Cawil kuwaas oo maalintii shalay ahayd ay gacan ka hadal iskula tageen askari ka tirsan ciidamada booliska ee Gabiley

Ka hor intii aan xabsiga la dhigin ayaa taliska  Qaybta  booliska ee Gabiley waxay sheegeen inay sharciga la tiigsan doonaan sadexdaas saxafi oo ay tilmaameen inay gardaro ula tageen askarigaas ka tirsan ciidamada booliska somaliland

iyagoo sidoo kale maalin ka hor Askari kale uu Bastoolad ku qabtay mid ka mid ah Wariyayaasha Gabiley, dhacdooyinkan ka dhex dhashay wariyayaasha gabiley iyo ciidamada Booliska ayaa loo aanaynayaa mid ay sababeen Maamulka Gobolka iyo ka degmada oo iyagu ciidamada amniga ku amra in goobaha ay wariyayaashu u doonanayaan wararka ay ka hor istaagaan oo aanay galin.

Haldoornews.com

Gabiley Office

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Arimaha Diinta