Haldoornews.com
Beentaat Soo wadeen 10ka sano hadii Alle run inooga dhigo maba xuma! Waxa Qoray Abdikarim Ahmed Mooge
March 2, 2019 - Written by admin

Waxaad nagu tidhaahdeen 10 sano ka hor EUda ayaa inoo dhisaysa Berbera Corridor!

Waxaad nagu tidhaahdeen DP World, baanu dekaddii ku wareejinay oo marka laga tago in aynu 5milion ka heli doono sanad kasta waxay inoo dhisayaan dekad cusub iyo wadada Berbera ilaa Wajaale “Berbera Corridor”!

Hadana waxaad na tidhaahdeen Itoobiya oo 19% saami ah ku leh maalgashiga Dekeda Berbera ayaa mashruuca Berbera Corridor kaga qayb galaysa $80 million oo dollor!

Waxaad na tidhaahdeen Saldhiga Berbera waanu kirayn!

Hadana waxaad na tidhaahdeen saldhigan maanu kirayne waxaanu ku badalanay laba mashruuc oo kala ah Airport Cusub iyo Wadada Berbera iyo Wajaale ee loogu yeedho Berbera Corridor!

Maantana waxaad la shir timadeen lacagta ku baxaysa Berbera corridor waa $111 milyan oo $90 million waxa bixinaysa Imaaraadka halka $21milyana ay bixindoonto dawlada Ingiriisku oo iyana ah sheeko cusub!

Soomaalidu waxay tidhaahdaa war jiraba cakaaru iman ee aan sugno wixii ka rumooba beenihii hore iyo dhagax dhiga maanta!

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Arimaha Diinta