Haldoornews.com
Muuse Biixi Qalbigiisa Daaro Dhiso Iyo Duunyo Urursi Ayaa Ka Buuxa” Barkhad Jaamac
February 7, 2019 - Written by admin

Afhayeen Barkhad Jaamac Batuun oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta xisbiga Waddani ayaa si adag uga horyimid talaabada madaxweynuhu ku dhisayo madaxtooyada cusub xili ay xukuumadu ku dhawaaqday inay jirto macaluul baahsan oo saamaysay in ka badan hal milyan iyo badh ka mid ah muwaadiniinta somaliland.

Barkhad Jaamac Batuun ayaa waxa uu hadalkiisa ku yidhi “Iyado Guddoomiyaha Haay’adda ka hortaga Aafooyinku sheegay iney 1.5 milyan oo deeganadda dalka joogay duunyadooda iyo dadkuubu halis ugu jiraan abaar adag ayuu Ninkii Dalka u dhaartay ee kitaabka gacanta saaray hammigiisa ugu weyn iyo hannaankiisa hoggaamineed noqday inu daar 70 malyan oo dollar ah dhisto! Hoggaaminta dunida ee taarikhda gasha dal, iyo dad horumarkiis ayey ku fikirta ee kuma fikirto daaro dhismahood iyo duunyo urursi.

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Arimaha Diinta