Haldoornews.com
Deg deg: Xildhibaanada Guurtida oo saaka u fadhiisanaya Mudo Kordhintii Golaha Wakiilada loo Samaynayey ee uu Madaxweynuhu Dalbaday.
January 12, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Haldoornews):- Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland ayaa saaka kalfadhi aan caadi ahayn u fadhiisanaya, si ay muddo kordhin ugu sameeyaan xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland oo iyagu kursigaasi ku fadhiyey tan iyo markiii la doortay ee 2005 -tii .

Muddo kordhintan oo uu madaxweynuhu warqad u gudbiyey xildhibaanada golaha guurtida maalmo ka hor in ay mar kale muddo kordhin aan cayinayn u sameeyaan xildhibaanada golaha wakiilada somaliland.

Sidoo kale qoraal wada jir ah oo ay soo saareen labada xisbi ee kulmiye iyo ucid ayaa waxay xildhibaanadda ka dalbadeen in sanadkan gudihiisa la qabto doorashada gaar ahaan bisha November ee sanadkan imika curtay ee 2019 -ka .

lama garanayo mudada ay kordhin karaan xildhibaanada guurtidu iyadoo looga bartay in aanay kordhinin wax ka yar muddo laba sano ah .

wixii ka soo kordha warkaasi muddo kordhinta isha ku hay Haldoornews.com

 

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Arimaha Diinta