Haldoornews.com
Qiso Cajiib ah!!! “Berbera oo Timir Beeranaysa iyo Gabiley oo Garanwaa Guranaysa”
January 11, 2019 - Written by admin


Masuuliyadu Waa haybad iyo Karaamo umadeed oo aad Huwantahay, Waana Sunaha Dawladnimo in maalinba Xilku Meerto Noqdo oo Masuul arimiyo inta Muddo Xilleedkiisu Dhamaanayo, Shaqsi waliba wixii uu Qabto ayaa Xisaabta ugu jira oo lagu Xusaa inta uu xayga yahay.
Damiirka, Diinta iyo Dadnimadu Waa dabar Shaqsiga Ka Xakameeya Xaaraanta iyo Xoolaha Dadwaynaha Waana Miqyaas lagu Xisaabin karo Shaqsiga Xidhihiisu yahay iimaanka iyo Alle ka Cabsiga.
Qofka Maangaabka ah ee aan Tuuladii uu ku Dhashay Dhinacna udhaafin Aduunyo waxba kalama Socdo, Maalinta Gurigooda Cunto Wanaagsan lagu kariyo Waxa uu uhaystaa in Dadkuba Casuumadan kuwada jiro.
Qofka Qalbiga Saboolka ahina Waxa uu Xalaalaystaa Xatooyada iyo Xoolo urursiga oo isaga Xirfad la ah, waxa uu Xariifnimo iyo Xeelad gaar ah u arkaa Xaaladaa uu ku jiro ee ubaahan in laga Xoreeyo.

Waxaa inagu Habsaday Masiibooyin Masuuliyad Darro oo ay Dadwaynuhu Dhiiri galinyo in Musuqmaasuqu sii jiro, Qaraabakiilka iyo Sadburisiguna sii Xoogaysto oo lagula yaabo Qofkii isku daya inuu toosiyo masuul mansab Dawladeed haya oo la Daalaa dhacaya Amaanadii loo Dhiibtay
Dawlahadaha Hoose ee Dalku Waa kuwo ka Siman Dhaca iyo Boobka lagu hayo umadda Hantidooda ha kala badsadaane, balse waxay is dheeryihiin Waxqabadka meelaha qaar oo Dadwaynaha ishoodu qabato, Waanay kala Garasho iyo Damiir Duwanyihiin oo Waxaad moodaa Magaalooyinka Qaar in Dareen Wadaniyadeed laga Dareemayo Marka ay soo Badhigaan Wax lagu Farxo oo ay kaga Duwanyihiin Gobolada kale ee Dalka.
Magaalada Berbera oo ah Xarunta Ganacsiga iyo Dakadaha Somaliland ayaa lagu Tiriyaa Magaalooyinka Tirada yar ee Wax laga qabtay intii Golaha Deegaankoodu Jiray, Dadkuna kawada markhaati kacaan, Maayar C/shakuur Cidin iyo Golihiisuba Way ku Amaanan yihiin in ay Hormarka Magaaladooda ka Shaqeeyaan Waajibaadkoodana ka Gutaan, Waana mid lagu Xusi doono Inta ay noolyihiin Hal xidhaalena ku ah Maayirada Ka Taajiray Xoolaha umadda.
Maayarka Berbera ayaa lagu Tiriyaa Dadka Faro ku Tiriska ah ee Karaamadiisa iyo Amaanadii loo Dhiibtay ilaashada, Waana Shaqsi hormood u ah Dhamaan Maayarada Dalka.

Marka waxa kale oo dhan laga Yimaado ee la is Barbar Dhigo oo kaliya laba Dhacdo oo Todobaadkii ugu Danbeeyey Dadwaynuhu si Wayn ugu hadal hayeen Baraha Bulshada ayaa kala ahaa Berbera oo Timir laga Beerayo iyo Gabiley oo Garanwaa laga Gurayo, Waa Tusaalaha ugu yar uguna Fudud ee aad Cabir ka Qaadan karto inta la kala horeeyo.

Ku Darso oo labada Masuulba Waxay ka Soo Wada Baxeen Xisbiga Ucid Wakhtigii la Dooranayey Golayaasha Deegaanka Dalka, haddana kala Aragti iyo Aqoon badan.

Somalidu Barigii hore waxay odhon jiray Ninka kaa Xaas Wanaagsan Waligaa ma Gaadhid balse Sabankan aynu Joogno Gabiley waxay leedahay Ninka Kaa Maayar Wanaagsan Waligaa Ma gaadhid.
Dhacdadani waxay I Xasuusisay Maansadadii Alle ha unaxariistii Cabdi iidaan Faarax
Adiguna Dameeroow
Dawankaaga qaadoo
Hiigso faraska Doolaal
Dani seeto weeyee
Daba soco ma gaadhide.
Cabdi IIdaan Faarax, 1980-kii Silsiladii Deelay.

Gabogabadii Ninkii Tiin Beerta iyo Ninkii Timir Beertaa Kala Nasiib Badan Alle Waxaanu ka Baryaynaa mid Qalbiga ka Taajira oo ku Fikira Horumarka iyo waxqabadka umaddiisa , Kana Masaxa Naxliga, Qabyaalada, iyo Qudhunka uu Abuuray Masuulka Wakhtigani.

Maxamed Maandhaye
maandhaye@hotmail.com
Hargeisa Somaliland

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Arimaha Diinta