Haldoornews.com
Shaqaalaha Madaarka Cigaal Iyo Madax Kale Oo Madaarka Hargeysa Ka Tirsan Oo Weerar Cad Ku Haya Maareeyaha Guud Ee Madaarka
December 30, 2018 - Written by Yasin dhegocade

Waxaa maalmihii ugu dambeeyayba ugu hadal badnaa shaqadii ka socotay madaarka cigaal ee magaalada hargeysa , waxaana ay Karin News heshay xogo ku saabsan in maareeyaha guud ee madaarka cigaal Mudane Maxamed Xuseen ay weerar cad ku hayaan shaqaalaha qaarkood iyo madax kale oo madaarka cigaal ka tirsan oo isaga ka hooseyasa kuwaas oo raba sidii maareeyaha guud ee cigaal looga eryi lahaa shaqada islarmakaana bartilmaameedkooda ugu weyni uu yahay in iyaga lagu bedelo oo madaxweyne biixi u soo magacaabo.

Image may contain: 1 person, indoor

Shufto iyo budhcad wajiyadooda diiday in la hor keeno warbaahinta ayaa dabada ka riixaya wararka ku saabsan in madaarka hargeysa xidhmay islamarkaana intii uu yimi maareeyahan cusub ee maxamed xuseen uu shaqadii madaarka hoos u dhac wayni ku yimi, wararka kale ee la xidhiidha ayaa ah in maareeyihii hore ee shaqada labada badalay maxamed yuusuf uu wado olole balaadhan oo xilka lagaga qaadayo maareeye maxamed xuseen islamarkaana loo keeni lahaa nin ka soo jeeda beesha ciidagale madaarka, dhinaca kalena madaxda ka hooseysa iyo shaqaale kale oo ka tirsan madaarka ayaa iyaguna raba labada kooxoodba laga dul qaado oo iyaga loo dhiibo madaarka hargeysa.

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Arimaha Diinta