Haldoornews.com
Daawo :- Abwaan Laabsaalax Oo Fariin Hawda U Mariyeyey Fanaanada Naseexto Indho + [ Waa Noocma Fariintu ]
October 2, 2018 - Written by admin

Abwaan Laabsaalax oo maanta ka hadlaayey munasibad qado sharaf loogu sameeyey fananada Farxiya Fiska ayaa waxaa uu raali galin hawda u mariyey Fanaanada Nasteexo Indho oo uu sheegay in mar ay Hargeysa timid khalad lagu sameeyey

Abwaan Laabsaalax ayaa sheegay in khaladkaas uu raali galin ka bixinaayo isla markaana ay diyaar u yahiin in ay Nasteexo ka meedhaan khaladkaas oo Ay Hargeysa ku casuumaan

” Nateexo Indho waxaad moodaa in ay Hargeysi ku ceebow-dey , Naxteexo waxaanu leenahay waxii dhacay xaal ka qaado , magaaladu waa magaaladaadii sida aanu Farxiya u soo dhaweynay baanu kuu soo dhaweynaynaa , hablaha Soomaaliyeed ee fanka ku jiraa Xurmo ayey naga mudan yahiin , adiguna anaga oo intii hore kaa meydhanya hawshaada waanu wey neynaa ..” ayuu yidhi Abwaan Laabsaalax

COMMENTS
Arimaha Diinta