Haldoornews.com
Daawo :- Madaxweyne Erdogan Oo Xadhiga Ka Jaray Masjidka Ugu Weyn Qarada Yurub Oo Laga Dhisay Dalka Jarmalka
September 30, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa booqashada rasmiga uu ku marayey dalka Jarmalka ku soo afmeeray xadhig ka jaridda mid ka mid ah masaajidda ugu weyn qaaradda Yurub oo laga dhisay dalka Jarmalka

Wuxuuna Madaweyne Edrdogan sheegay masaajidkan laga dhisay magaalada Cologne inuu astaan u yahay nabadda, isaga oo uga mahadceliyey dowladda Jarmalka sida ay u oggolaatay inuu dhismaha msaajidka istaagin iyada oo ay socdeen mudaharaadyo looga soo horjeeday dhismaha masaajidka.

Ciidamada boolis oo tira badan ayaa laga howl geliyey xilli uu booqanayey magaalada Cologne oo ah magaala ay ku nool yihiin dad tira badan oo Turkiga u dhashay.

Booqashada seddexda maalmood ee uu ku joogay Jarmalka oo ahayd mid uu muran badan ka dhashay, wuxuu Erdogan khudbadihiisa si kulul ugu cambaareynayey waddanka Jarmalka uu martida u ahaa.

Dalka Jarmalka waxaa ku nool qurbajoog aad u xooggan oo ka badan 3 milyan oo qof oo u dhalatay dalka Turkiga.

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Arimaha Diinta