Haldoornews.com
Deg Deg :Maayarkii Borama Oo Xilkii Laga Qaadey Iyo Bedelkiisii Oo La Doortey + [ Waa Kuma Maayarka Cusubi ]
September 29, 2018 - Written by admin

Maayarkii Magaalada
Boorama ayaa saaka ay xildhibaanada golaha deegaanka Boorama ka qaadeen xilkii maayarnimo.

Fadhigan saaka xilka lagaga qaaday maayarka waxaa soo xaadiray labaatan xildhibaan, waxaana maqnaa xildhibaan keliya. Waxaa sidoo kale fadhiyay Wasiir Dawlaha Amniga Maxamed Muuse Diiriye iyo badhasaabka Gobolka Awdal.

Waxaanajagada maayarnimada ku tartamay maayarkii hore ee Boorama Saleebaan Xasan Xadi iyo ku xigeenkiisii hore Maxamed Muxumed Faarax (Dheerayste), waxaana ku guulaystay maayarka cusub ee Boorama Saleebaan Xasan Xadi oo Hal cod kaga badiyay Xildhibaan Dheerayste.

Xil ka qaadista maayarka ayaa timid kadib markii Hanti dhawraha qaranka Somaliland uu baadhitaan uu ku sameeyay xafiiska maayarka Boorama, taasi oo wararku sheegeen in lagu helay hantilunsi.

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Arimaha Diinta