Haldoornews.com
Dr.Moha Farah Jire oo lagu Wado inay Noqoto Madaxwaynaha Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya iyo Xogo ka Soo Baxaya Dawlada Dhexe.
August 19, 2018 - Written by admin

Wararka Naga soo Gaadhaya Caasimada Itoobiya ee Addis ababa ayaa Sheegaya in Siyaasiyiin Waawayn oo kasoo Jeeda Kililka Shanaad ee Itoobiya ay Doonayaa in Isbadal Wayni ka Dhaco Kililka Shanaad ee Somalida Itoobiya, sidaa Darteedna Haweenay Madaxwayne Looga Dhigo.
Warar Lagu Kalsoonyahay oo aanu ka Helayno Ilo ka Duwan oo ku Dhaw Shirarka Addis ababa ka Socda ayaa sheegaya in Dr.Moha Farah jire lagu Wado in laga Dhigo Madaxwaynaha DDS, Sidoo kale Xubnaha sida Wayn Carabka loogu hayo Waxaa isna ka mid ah Gudoomiyaha Xisbiga Dawlad Deegaanka Somalida itoobiya Axmed Shide ahna Wasiirka isgaadhsiinta Dawlada Federalka itoobiya.
Ma jiro War Rasmi ah oo ka Soo Baxay Dawlada Dhexe ee Itoobiya Balse waxaa la Filayaa in isbadal Wayni ka Dhici doona DDS oo Xaalado iyo Marxalado kala Duwan soo Maray.
Dr.Moha Faraha Jire ayaa ah Diblomaasiyad Caan ka ah Geeska Africa isla markaana ahayd Gudoomihii ururka Suxufiyiinta Geeska Africa ee Fadhigoodu yahay Magaalada Addis ababa.

COMMENTS
Arimaha Diinta