News

Madaxwayneyaasha Somalia iyo Kenya oo isku Af gartay in Xayiraadii qaadka ay saartay somalia laga qaado.

Byadmin

Sep 13, 2016

kenya-and-somaliyaMuqdisho(Haldoornews)-Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo kulan gaar ah oo albaabada u xirnaa goor dhow yeeshay ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin Ganacsiga labada dal.

Kulankan ayaa markii uu soo gaba gaboobay ayaa waxay Labada Madaxweyne qabteen shir jaraa’id, waxaana isku afgareen qodobo dhowr ah.

Madaxda ayaa isku afgartay in la qaado xayiraadii KMG aheyd ee la saaray Qaadka laga keeno Kenya, sidoo kale waxaa lagu heshiiyay in muddo saddex bilood ay dowladda Kenya ku joojiso rakaabka diyaaradaha lagu baaro Garoonka Wajeer oo ay dhib badan kula kulmaan dadka u safraya Kenya, ka hor inta aanay ka degin garoonka diyaaradaha.

Tallaabada dowladda Soomaaliya ku qaaday xayiraadii saarneyd Qaadka Kenya laga keeni jiray ayaa dhaqan geli doonta maalinta berri oo Arbaco ah.

 

Sawir isla hada ay bulshadu ka samaysay Xayiraada qaadka kenya laga qaaday.

karton

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *