News

Xujay Gaadhaysa 1.5 qof oo maanta Taagan Buurta Carafo ee Magaalada Barakaysan ee Makka.

Byadmin

Sep 11, 2016

buurta-carafaXujey ku dhaw 1.5 Milyan oo qof ayaa maanta oo Axad ah taagan banka Carafo ee magaalada Barakaysan Makka, ku negaanshaha Banaanka Carrafo ayaa ka mid ah arkaanta Xajka kuwa ugu muhimsan, kadib markii ay soo guteen Maalinta Tarwiyah ee Mina, sida u sameeyey nebigeeni suubanaa N.N.K.H.

Istaagida banka Carrafo kadib marka qoraxdu dhacdo ayaa Xujeydo ka dhaqaaqayaan halkaas waxay sii marayaan Mina iyaga uu tuuranaya Jamaaraadka, kadib waxay xoogaa ku negaan doonaan Muzdalifah, iyaga oo maalinta berri ah gawracaya Udxiyadoodi

Ilaa hadda gudashada waajibaadka Xajka oo bilowdey maalintii Jimacada ayaan wax dhibaato ah ka dhicin.

Amniga Xujeyda ayaa si weyn loo adkeeyey, iyada oo maalmaha ugu dhibka badan ay tahay gudahasha Jamaraadka oo ah maalmha ka danbeeya ciida udxiyada.

Sanadkii hore 2015 ayaa Xajka waxaa ka dhacay dhibaato aad u weyn, waxaana la aaminsan yahay dad ka badan 2000 oo qof in ay ku geeriyoodeen kadib markii la isjiirey, inkasta oo Sucuudigu ay shaaciyeen tirada dhimashadu in aysan ka badneyn 800 qof.

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *