News

Ma Dhabaa in Madaxtooyadu ka Danbayso Saansaanta Colaadeed ee Laga Hurinayo Woqooyiga Hargiesa iyo Dagaalka Warbaahinta ee udhexeeya Dadka Deegaanadaasi.

Byadmin

Sep 10, 2016

maxuud xaashiHargeisa (Haldoornews)-Saansaan Colaadeed oo Mudooyinkii ugu Danbeeyay laga Hurinayo Gobolka Awdal iyo Woqooyiga Magaalada Hargeisa ayaa maray Meel Xasaasi ah oo Warbaahinta La isku Adeegsado.
Wararka Soo Gaadhaya Xafiiska Warqabadka Haldoornews ee magaalada hargeisa ayaa Sheegaya in Madaxtooyadu Hurinayso Colaada Beelaha Galbeedka iyo Barriga Somalilandba iyada ka Dhiganaysa Cimri Korodhsi Muddo Xilleedka Madaxwaynaha lagu Sameeyo.
Warar lagu Kalsoonyahay oo Haldoornews Heshay ayaa Sheegaya in Wasiirka Madaxtooyadu lug wayn ku leeyahay Arimaha Colaada ka hurinaya Woqooyiga Hargeisa isla markaana Xildhibaanada iyo Madaxdhaqameedka Gobolka awdal ku kicinaya Deegaanada Woqooyiga si Xaalad Cusub ay unoqoto oo Somaliland khalkhal galisa, Taasi oo dib uridi karta Doorashooyinka Fooda inagu soo haya ee Madaxtinimada Dalka.
Waa Dhacdooyin Ugub ku ah Siyaasada Somaliland Muddooyinka danbe in Dhiiga Shacabka laga Raadiyo Muddo kordhin iyada oo Dariiqyo kale oo aan dhiig ku daadan ay ku heli karaan haddii ay ka badheedhaan.
Kala soco Warar Arimahaasi ku Saabsan Haldoornews Wararkayaga Danbe.
Haldoornews.com
Hargiesa Office
haldoornews@yahoo.com

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *