Aragtida Dadweynaha

Hambalyo Ku Socota Madaxwayne Siilaanyo Go,aankii uu ku Kala Saaray Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka.

Byadmin

Sep 10, 2016

 

Ugu   horeyn  waxaan  salaamayaa  bahda  saxaafada  iyo  akhristayaashaba  waxaan  ku  salaamayaa  salaamta  islaamka  ee  ah ‘ ASCW’

Ka   dib  waxaan   doonayaa   in  aan  halkan  ka  hambalyeeyo  Madaxweynaha  Jamhuuriyadda  somaliland  Alxaaji  axmed  maxammed  maxammuud.

Waxaan  madaxweynaha  ku  hambalyeynayaa  go’aanka  geesinimada  leh  ee  uu  qaatay  iyo  sida   geesinamada  leh  ee  u  go’aansadey  in  uu  doorashada  madaxtimada  soo  hormariyo  isagoo  waliba  sheegey  in  doorashada  wakiilada  dib  loo  riixay  sababo  sharci  oon  ilaa  hada   laga  heshiin  ama  aan  laba  sameyn.

Halkaasi  waxaa  ka  cad  madaxweyne  siilaanyo  in  uu  yahey  nin  qowl  iyo  iimaan  leh  oo  wax  garada  ah  oo  aakhiradiisa  iyo diintiisaba  ku  dhaqmaaya  ilaashanaayana,  waxaana  meesha  ka  baxday  sheeekadii  munaafaqiintu  ay  ummada  la  dhexwareegayeen  ee  aheyd  siilaanyaa  doorashada  dib bu, u dhigayaa  iyo  kororsi  ayuu  rabaa.

Madxaweyne  waan  kugu  hanbalyeynayaa  geesinadaada  iyo  daacadnimadaada  aad  wanaaga  iyo  horumarka  dadkan  iyo  dalkan  aad  la  rabto  waxaan  illahey  kaaga  baryayaa  in  uu  kaa  abaal  mariyo.

Madaxweyne  siilaanyo  waxa  uu  mar  sadexaad  u  quus  gooyey  iimaan  laawayaashii  iyo  qabiileystaashii  dalkan  la  doonaayey  qas  iyo  jaahwareer  iyo  ku  shiqsii  waxaanu  taariikhda  la  gali  doonaa  in  uu  noqdo  madaxweynahii  somaliland  soo  mara  ee  ka  dhabeeyay  balaqaadkiisa  ,qolkiisana  ka  runsheega,  waxaana  hubaal  ah  in  uu dalka  uga  tagi  doono  isku  duubnaan  iyo  is  jaceyl.

Ugu  danbeyn   waxaa  maanta  cadaadtey  in  sababta  doorashada  gollaha  wakiilada  dib  loogu riixey  ay  tahey ,gudosho la’aan  ka  timid  gudoomiyaha  golaha  wakiilada  mr cabdiraxmaan  cirro  oo  ku  fashilmey  in  uu  muddo  10  sanno  ah  gollaha  wakiilada    ka  ansixiyo  ama  hordhigo  sharciyadii  loo  baahnaa  in  la  meel  mariyo  maantana  ninkii  lahaa  doorashada  dib  ha  loo  dhigo  ee  sacabka  u  tumaayey  doorashaa  dib  loo  dhigayaa  waxey  ahaayeen  cabdiraxaan  cirro  iyo  xisbigiisa  waddani.

Markaasi  waxaan  leeyahey madaxweyne  siilaanyo  waxa  uu  dhirbaaxo  xun  oo  siyaasadeed ku  dhuftey   gudoomiye  cirro  iyo  intii  taageersaneyd  in  dalku  ku  dhaco   dib  udhaca  doorashooyinka  iyo  hanaanka  siyaasadabu.

Madaxweyne   guuleyso  oo  noolow.

Siilanyo

Qore:   Tahir  hussein.

 

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *