News

Mareykanka oo sheegay inuu duqeyn ku dilay 4 xubin oo ka tirsan Al-Shabaab

Byadmin

Sep 8, 2016

drone-400x300Afhayeen u hadashay Taliska Dhexe ee Mareykanka ee Afrika ayaa sheegtay in duqeyn maalintii Isniintii ka dhacday deegaanka Toora-Toorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay afar xubin oo ka tirsan Al-Shabaab

Captain Jennifer Dyrcs ayaa sheegtay in howl galkan ay qeyb ka ahaayeen Ciidamo Soomaali ah, isla markaana ay bartilmaameedsadeen koox dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa ay sheegtay in intii uu socday howl galka ay soo weerareen Al-Shabaab ciidankii wada socday, isla markaana labo duqeyn oo is-difaacid ah ay fuliyeen, kuna dileen afar dagaalyahan.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo Ciidamo Mareykan ah ayaa muddooyinkii u dambeeyay howl gallo wada jir ah ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolada Koofureed.

Waaxda difaaca ee Mareykanka ayaa bishii May ee la soo dhaafay duqeyn ku dishay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaasoo lagu magacaabayay C/llaahi Xaaji Daa’uud oo ahaa maskaxda dejineysay weerarada Somalia, Kenya iyo Uganda.

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *